Arwo Al-Qayruwaaniya: Gabadhii Ugu Horreysay Islaamka Ee Odaygeeda Ku Sandulleysay In Aanu La Guursan (3)

0
702

Waa qayb kale oo ka mid ah qisada warqaddii la magac baxday ‘Meherkii Qayruwaaniya’.

Iskudayadii Abi Jacfar ee ka takhalusidda Shardiga meherka Arwa

Sida uu Abu Cusmaan Aljaaxid ku sheegayo kitaabkiisa ‘Almaxaasin Wal-Ad-daad, muddo toban sano ah oo uu xilka hayey, Abu Jacfar Almansuur waxa uu isku dayey in uu burinta shardigaas meherka Arwa u helo qiil dhinaca shareecada islaamka ah.

Waxa uu waraaqo is dabajoog ah u qoray culimadii cilmiga fiqiga aqoonta u lahayd eek u sugnaa deegaanka Xijaas iyo Shaam oo dhan.

Waxa uu raadinayey in culimadaasi ay u fatwoodaan in uu guursan karo gabadh labaad ama in uu yeesho haween addoomo ah, iyada oo aanay xaaskiisuna helayn shardigii ay xilligii meherka ku xidhay ee ahaa in aanu la guursan.

Arwo gabadh hawlyar ma’ay ahayn, mana ay ma’oganayn dhaqdhaqaaqyada odaygeedu ku raadinayo in uu shardigii meherkeeda buriyo. Sidaas awgeed waxa ay dhankeeda ka gashay dadaal ku lid ah doonistiisa. Waxa ay mar kasta ka il horreyn jirtay odaygeeda, lacag badan ayaa ay u diri jirtay Sheekh kasta oo laga yaabo in uu warqad u qoro, iyada oo ka dalbanaysa in aanu fulin dalabka hoggaamiye Abi Jacfar Almansuur. Arrintaas ayaa keentay in Wadaad kasta oo uu warqad u qoraa ugu soo jawaabo in uu shardigii meherka Arwa ilaaliyo, oo aanu gabadh labaad la guursan ama gabadh addoon ah samaysan.

Abu Jacfar ma’ uu doonayn in tallaabada uu qaadayaa ay noqoto wacadfur aan qiil lahayn oo uu ku sameeyo shardigii Arwa, mana uu fahmin in guntinta uu xidhaba ay Arwa furayso. Sidaas awgeed kama uu daalin qoraalkii waraaqaha ee wuu sii waday, oo wadaadka meel loogu sheegaba inta uu u diro ayuu ka codsanayey in uu qiil u raadiyo. Sannado badan kaddib oo ay geeriyootay Arwa ayaanu ogaaday farsamadii ay ku hor istaagtay qiilka uu raadinayey.

Taariikhyahannadu waxa ay sheegaan markii ay Arwa geeriyootay in Abi Jacfar uu ku maqnaa safar magaalada Xilwaan ee u dhow dhulka hadda dawladda Iiraan ka taliso. Markii warka geerida loo soo sheegay tallaabadii ugu horreysay ee uu qaadayna waxa ay noqotay in uu dalbado boqol addoomood (Jaariya) oo gashaantimo ah. La soco…