Arrimo Yaab Abuuray Oo Ay Dhakhaatiirtu Ku Arkeen Maydka Dad U Dhintay COVID-19 Oo Ay Qaleen

0
810

Hore waxaa loo ogaa in xanuunka COVID-19 uu yahay caabuq ku dhaca habdhiska neefsiga oo abbaara sambabada, tiro yar oo dadka uu ku dhaco ka mid ahna ku keena neefqabato daran oo sababa dhimasho.

Elanar Maarsiya Nayjri oo ah cilmibaadhe ku takhasusay caafimaadka sambabada oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Sao Paula ee dalka Baraasiil ayaa sheegtay in baadhitaan lagu sameeyey qof u dhintay xanuunka COVID-19 lagu ogaaday in heerka ogsajiinta dhiiggu ay aad u hoosayso, laakiin haddana uu si dabiici ah u neefsan karayey si dabiici ah. Arrintaas oo ahayd mid lama filaan ah marka la eego marka ay xaaladdu heerkan gaadho oo inta badan laga fisho in sambabada ay neef badani ku xannibanto, taasina sababto in qofka bukaanka ahi uu neeftuuro.

Dhinaca kalana waxa ay dhakhtaraddu sheegtay in bukaankan iyo bukaanno kale ay siiyeen dawooyinka lidka dhiig-furanka maskaxda, taas oo ay ka arkeen natiijo aad u fiican, oo si gaar ah u joojisay dhibaatadii bukaanka ka qabsan lahayd dhinaca neefsiga. Isla markaana ay wanaajisay xaaladda bukaanka. Taas oo ku dhiirrigelisay in dawooyinkan ay siiyaan 27 bukaan kale ah oo ku bogsaday. Arrinta muhiimadda gaarka ah u sii yeeshayna ay tahay muddada uu bukaankani ku bogsaday oo 14 maalmood oo keliya ahayd, taas oo aad uga yar intii laga filayey oo 28 maalmood ahayd.

Dhinaca kalana xaaladdan qalniinka lagu sameeyey ee bukaanka COVID-19 waxaa lagu ogaaday in sidii laga filayey aanu saamayn toos ah ku yeelan sambabada, balse si aan laga filayn uu yareeyey ogsajiintii  kaddib markii faruuran iyo xidhnaanshiyo yari uu ku dhacay qaar ka mid ah xididdada yaryar ee dhiigga keena sambabada. Dr. Elanar waxa ay sheegtay in COVID-19 uu jidhka dhammaantii ku keeni karo dhiigfuran gudaha ah, taasina ay dhaawac gaadhsiinayso dhammaan xubnaha muhiimka ah ee jidhka, sida Kelyaha, wadnaha iyo xitaa maskaxda. Arrintan ayaa ay dhakhtaraddu sheegtay in ay sababto in qofka Coronavirus uu ku dhacaa uu u dhiman karo dhiigfuran maskaxda ah. waxaana raadad dhaawac lagu arkay dahaadhka unugeed ee gudaha kaga daboolan xididdada dhiigga.

Daraasaddan oo lagu faafiyey wargeyska caanka ah New England Journal of Medicine waxa ay ka marag kacday in dhiigfuranka ku dhaca nudaha sambabadu uu yahay calaamad lagu arkay maydad u dhintay COVID-19 oo qalniin lagu sameeyey.’ Dr. Elanar waxa ay sheegtay in raadka ka dhashay dhaawaca uu Fayrasku gaadhsiiyey gudaha xididdada dhiiggu in ay dhiirrigelisay in dhiigga ay ku samaysmaan xinjiro u gudbi kara dhammaan xubnaha jidhka.

Daraasaddan ayaa xoojinaysa aragtida ah in aanay qasab ahayn in bukaanka Coronavirus laga fisho neefqabatow keliya, haddii laga waayana loo arko in xaaladdoodu ay fududahay. Waxa aanay ka digaysaa in jiritaanka Fayraskani ay muhiim ka dhigayso in baadhitaan iyo la socosho dhow lagu sameeyo bukaanka, gaar ahaan habdhiska wareegga dhiigga iyo xaaladaha xubnaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin keliyaha iyo wadnuhu.

Waxaana xaaladahan si gaar ah khatar ugu sii ah dadka qaba dhiigkarka, macaanka iyo baruurta, sida oo kalana ay dadka sigaarka cabbaa kuwa aan cabbin ka nugul yihiin, guud ahaanna ay raggu ka nugulyihiin dumarka.