Arrimaha Maadayska Noqday Ee Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobey Ka Dhacay 70 Sano Oo Ay Jirtay (5)

0
773

New York (Geeska)- Waa qaybtii Shanaad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo ururinayey qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee ka dhacay qaramada midoobey oo hadda uu socdo kulankeedii guud oo ah kii ay ku 70 jirsatay, innaga oo ku bilaabayna sidii ay u kala horreeyeen:

2015 – Xasan Rawxaani: Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Rawxaani oo ah madaxweynihii Toddobaad ee qabta xilka hoggaaminta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxa uu dhashay sannadkii 1948kii waxa aanu xilka madaxweynenimo oo uu doorasho ku helay la wareegay sannadkii 2013ka.

Md. Rawxaani waxaa lagu tiriyaa in uu yahay yahay qunyar socod, waaqaci ah oo yaqaanna xaqiiqada hortiisa taalla iyo hadba duruufaha dhabta ah ee jira ama ku xeeran. In kasta oo uu Rawxaani aad u wanaajiyey xidhiidhkii dalkiisa la lahaa dalalka reer galbeedka, haddana waxaa jira arrimo badan oo weli cakiran, isla markaana uu ku qasban yahay in uu ka turjumo aragtida runta ah ee dadkiisa, waxaana ka mid ah in aanu u muuqan nin u tanaasulay ama isu dhiibay quwadaha reer galbeedka.

Kulanka guud ee jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa sannadkan isugu timid ayaa madaxweyne Obama oo khudbaddii dlakiisa jeedinayey arrimaha badan ee uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa xidhiidhka Iiraan iyo dunida kale. Isaga oo lahjad u muuqata in ay tii hore loo arki jiray ka qabowdahay haddana uu dhinaca kale ka muujinayo in Iiraan aan siday doonayso loo yeelin waxa uu ku  nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in Dahraan xidhiidhka lala yeelanayaa uu noqdo mid jid diblumaasiyadeed oo nabdoon loo maray.

Hadalkaasi ma’ uu farxad gelin madaxweyne Rooxaani oo madasha fadhiyey, balse waxa uu u arkay in ay hanjabaadi ku jirto oo macnuhu yahay bal aynu nabadda horta ku deyno, sidaa awgeed markii kalkiisii khudbadda la soo gaadhay oo ahayd saacado uun ka dib hadalkii Obama, isaga oo sida muuqata cadho kaga jawaabaya hadalkaas hanjabaaddu ku jirtay ee Obama ayaanu yidhi, “Iiraan waa ay ka daashay maqalka kelmadda ah, ‘In tallaabo milateri laga qaado taladeeduna meesha kama baxsana” taas oo loo fahmay in uu uga jeedo hanjabaado hore oo Maraykanku marar badan ku sheegay in ay suurtogal tahay in Iiraan tallaabo milateri laga qaado.

Marka la soo koobo, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo haatan 70 jirsatay waxaa ka muuqda isbedello badan oo dhinaca awoodaha dunida ah, haddii muddo dheer uu Maraykanku soo ahaa quwadda dunida waxaa sannadkan laga dareemayaa in ay jiraan quwado kale oo ku xisaabtankooda leh, sida Ruushka, Shiinaha iyo xitaa Laatiin Ameerka oo waayada qaar loo arki jiray mus-dambeedka Maraykanka, xeeldheerayaal badan ayaana saadaalinaya in uu gebo-gebo ku dhow yahay nidaamkii quwadda keliya ku dhisnaa ee dunida ka jiray Rubux Qarnigii u dambeeyey, tusaaleyaasha badan ee taas muujinayana waxaa ka mid ah sida Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa badheedhaha ugu codaysay in Falastiin ay noqoto dawlad ka mid ah Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, calankeedana lagu daro calamada dalalka kale ee xubnaha ka ah, fikirkaas oo si adag ay uga soo horjeedeen Israa’iil, Maraykanka iyo dalal kooban oo kale. Dhammaad.