Arrimaha Maadayska Noqday Ee Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobey Ka Dhacay 70 Sano Oo Ay Jirtay (2)

0
558

Picture10dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee ka dhacay qaramada midoobey oo hadda uu socdo kulankeedii guud oo ah kii ay ku 70 jirsatay, innaga oo ku bilaabayna sidii ay u kala horreeyeen:

Fidel Castro waxa uu khudbaddiisaa ku sheegay ereyo badan oo hal-hays ka noqday dunida siyaasadda iyo doodaha caalamiga ah ee la xidhiidha diblumaasiyadda iyo siyaasadda, waxaana ka mid ahaa, “ Falsafaddii dagaalku waxa ay tirtirmaysaa uun marka ay tir-tirtiranto falsafadda boobku” Fidel Castro waxa uu khudbaddaas si weyn ugu weeraray dalka Maraykanka, waxa aanu uga digay in ay weerar ku qaadan kacaanka Kuuba, isaga oo madaxweynihii la doortay ee Maraykanka oo markaas xilka la wareegayey John F. Kennedy ku tilmaamay, “Jaahil, iyo qof aan waxbarasho lahayn”

1960 – Nikita Sergeyevich: Nikita Sergeyevich oo ahaa raysalwasaarihii midowga Soofiyati ee intii u dhexeysay 1953kii illaa 1964kii waxa uu ahaa hoggaamiyihii Midowga Soofiyati ee qayb ka mid ah waqtigii uu socday dagaalkii qaboobaa, waxaana lagu tilmaamaa in xilligiisii uu horumarin iyo wax-ka-beddel badan ku sameeyey aragtidii Shuuciga ahayd ee Midowga Soofiyati lagu dhaqayey, isla markaana uu bilow u ahaa hirgelinta siyaasadda wada-noolaanshiyaha nabdoon ee caalamka ka hirgalay.

Sannadkii 1960kii Nikita Sergeyevich waxa uu ka qaybgalay kulankii guud ee Qaramada Midoobey isaga soo isdii caadiga ahaydna jeediyey khudbaddii dalkiisa. Waxa uu jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabatay, xilligaas waxaa Qaramada Midoobey aqoonsi ka doonayey Shiina oo Maraykankuna uu hortaagnaa, arrintaas oo uu Nikita ku dooday in ay ka mid tahay munaafaqnimada reer galbeedka oo haddii China ay dimuqraaddi ahaan lahayd la aqoonsan lahaa laakiin sababta loo hortaagan yahay ay tahay aragtida Shuuciga ah ee China, waxa kale oo uu Maraykanka ku eedeeyey in uu gumaysi iyo xasuuq ka wado dalka Filibiin. Nikita waxaa markiiba doodo ka horkeenay ergadii reer galbeedka, isaga oo aad u cadhaysan ayaana inta uu la baxa mid ka mid ah labadiisa kabood uu la dhacay miiskii uu dul taagnaa ee khudbadaha qaramada midoobey. Intaas oo keliyana kuma uu joogsan ee waxa uu bilaabay in uu afka Ruushka si aad u fool xun ugu caytamo golaha hortiisa.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in Nikita markii uu cadho burburay inta uu kabtii kaga dul tegey miiskii isaga oo kab keliya xidhan oo aad u dhoolla caddaynaya uu dib ugu soo noqday kursigiisii. Waxaa yaab leh in Nikita khudbaddiisaa qaramada midoobey kaga kasbaday abaal-marin iyada oo kulankii sannadkaasna lagu magacaabay kulankii kabta Sergeyevich. Waxa kale oo xusid mudan in turjumaankii tooska ahaa ee khudbadda Nikita uu ereyada qaar turjumaad-toos ah ku sameeyey, taas oo fahamkii sii fogeysay, keentayna in hadallo badan oo uu yidhi si qaldan loo fahmo.

1987 – Ronald Reagan: Madaxweynihii 40aad ee Maraykanka Ronald Reagan oo talada dalkiisa hayey siddeedii sano ee u dhexeeyey 1981kii illaa 1989kii, ayaa kulankii guud ee Qaramada Midoobey ee sannadkii 1987kii, khudbaddii uu dalkiisa ku metelayey waxa uu doonay in uu uga faa’idaysto in beesha caalamka uu ku mideeyo aragtidiisii ahayd in laga hortago wax uu u arkayey, ‘Khatar ka soo fool leh koonka aynu ku noolnahay dibaddiisa’ waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan isweydiinayaa: In aanay inaga dhex jirin quwad ka baxsan koonkan?”

Reagan oo ahaa jilaa filimada Hollywood caan ku ah waxa uu Midowga Soofiyati ku tilmaamay Imbaraadooriyaddii Sharka.

Khudbaddaas oo ku caan baxday ‘dagaalkii xiddigaha ee lagaga hortagayey Imbaraadooriyadda sharka’ waxa uu bilow u noqday istaraatijiyaddii cusbayd ee wasaaradda difaacu qaadatay ee la baxday barnaamijka dagaalka xiddigaha.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in markii Regan uu sheegay in khatari adduunkan kaga soo fool leedahay meel Koonkan ka baxsan ay ergadii golaha fadhiday badankoodu qosol la jeedsadeen iyaga oo xaqiraya aragtidan lana yaabban in uu madaxweynuhu ka hadlo wax aan caqli gal iyaga ula muuqan. La soco…