Arrimaha Maadayska Noqday Ee Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobey Ka Dhacay 70 Sano Oo Ay Jirtay (1)

0
695

Picture8New York (Geeska)- Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa lixda mabda’ ee ay ku dhisan tahay waxaa ka mid ah kulanka guud ee sannad laha ah, kulankaas oo ah marka keliya ee dhammaan xubnaha ka tirsan Qaramada Mdioobey oo hadda tiradoodu 193 tahay ay leeyihiin ergo iyo cod isku mid ah.

Golaha guud ee Qaramada Midoobey oo afka Ingiriisiga magaceeda loogu soo gaabiyo UNGA awoodaha uu leeyahay waxaa ka mid ah in xubnuhu ay eegis iyo la socosho ku sameeyaan miisaaniyadda guud ee Qaramada Midoobey, in ay magacaabaan 10 ka xubnood ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ku yimaadda doorashada marka laga reebo shanta iyagu joogtada ah, iyo hawlo kale oo muhiim u ah jimciyadda.

Kulanka guud ee Qaramada Midoobey oo inta badan uu guddoomiyo hadba madaxweynaha ku fadhiya kursiga kaltanka ah ee Qaramada Midoobey ama xoghayaha guud waxaa uu qabsoomaa inta u dhaxaysa bisha sagaalaad iyo bisha laba iyo tobnaad ee sannad kasta, waxaana kulanka lagu furaa khudbado ay jeediyaan dhammaan madaxda dawladaha adduunka ee Qaramada midoobey xubnaha ka ah.

Haddaba maadaama oo dalalka dunida ee Qaramada Midoobey ku jira ay ka mid yihiin kuwo siyaasi ahaan aad u kala fog, ama kala diin iyo mabda’ ah iyo sidoo kale kuwo colaado ka dhexeeyaanba waxaa inta badan golaha laga jeediyaa khudbado si diblumaasiyad leh la isugu durayo waxaana mararka qaar dhacda ergada dalalka qaar ka dareeraan khudbadaha qaar si aanay u maqal hadalka hoggaamiyaha dalka ay iska soo horjeedaan. Sidoo kale kulanka guud waxaa ka dhaca dhacdooyin taariikhda gala oo marka dambe maadays iyo wax lagu qosla noqda. Qormadan waxa uu Geeska Afrika ku soo ururinayaa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee ka dhacay qaramada midoobey oo kulankeedan u dambeeyey ee weli socdaa uu yahay kii ay 70 jir ku noqotay, gaar ahaan falalka iyo hadallada qosolka leh ee ka dhaca madaxda innaga oo ku bilaabayna sidii ay u kala horreeyeen:

Picture91. 1957:

Krishna Menon oo noolaa intii u dhaxaysay 1896kii illaa 1974kii, waxa uu ahaa diblumaasi iyo nin qaran oo u dhashay dalka Hindiya, waxaana lagu tilmaami jiray ruuxa labaad ee ugu awood badnaa dalka Hindiya.

Krishna sannadkii 1952kii ayaa uu madax u noqday ergada diblumaasiyadeed ee Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobey waxa aanu hayey 10 sano oo Qaramada Midoobey gudaheeda iyo dunidaba ka kasbaday sumcad  iyo magac, gaar ahaan dhinaca xal raadinta oo uu ku caan baxay, sida qorshihii nabadeed ee Kuuriya oo uu isagu keenay, xabbad joojintii Indo-China, wada hadallada hub-ka-dhigista iyo xornimadii dalka Algeria.

Sannadkii 1957kii ayaa Jrishna oo dalkiisa u jeedinayey khudbaddii golaha guud ee qaramada midoobey uu miyir belay oo dhulka ku dhacay, kadib markii uu muddo 8 saacadood oo is xiga ah, waday khudbaddiisii oo illaa hadda taariikhda ku gashay in ay tahay khudbaddii ugu dheerayd ee abid laga jeediyey golaha guud ee Qaramada Midoobey, waxa aanu ka hadlayey mushkiladda illaa hadda taagan ee Kashmir.

2. 1960:

Fidel Castro:

Hoggaamiyihii kacaanka dalka Cuba, waxa aanu dalkaas madaxweyne ka ahaa intii u dhaxaysay 1976kii illaa 2008dii oo uu xilka iskii uga degey kuna wareejiyey walaalkii, 17 sano oo ka horreeyey madaxweynenimadana waxa u ahaa raysalwasaaraha dalka.

Castro oo ah nin shuuciyadda aad u aaminsan intii uu madaxweynaha ahaa waxa ay si adag colaadi uga dhaxaysay dalka Maraykanka oo dhowr madaxweyne is-beddeleen intii uu isagu joogay. Haddaba sannadkii 1960kii ayaa Fidel Castro oo ka qayb galayey kulankii guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxa uu ka jeediyey khudbad gebi ahaateedba ahayd weerar uu ku qaaday siyaasadda Maraykanka, isla markaana ku sheegayey in aragtida Shuuciyaddu ay muhiim tahay, dunidana dhiqi karto. Waxaa xiiso leh in Castro uu khudbaddaas waday muddo 4 saacadood oo is xiga ah. La soco