Ardayda Ka Qalan Jabisay Kuuliyada Injineerka Jamaacada Hargeysa Oo Munaasibad Balaadhan Qabsaday

0
767

Picture3Hargeysa (Geeska)- 27Ardayda oo ka qalin jabisay Kuuliyada Ingineerinka Jaamacada Hargeysa, ayaa Munaasibad balaadhan oo ay ku soo bandhigeen waxyaabaha ay barteen qabsaday.  Ardaydan ka qalan jabisay Kuuliyada Injineerinka ee Jaamacada Hargeysa ayaa waxa ay yihiin 27-arday, oo laba ka mid ahi yihiin Hablo, waxaana Munaasibadani oo si weyn loo soo agaasinay ka dhacday Mansoor  Hotel, waxaana ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Hormoodka Kuuliyada Injineerinka Jaamacada Hargeysa, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargeysa, Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee  UCID, Maayarka Caasimadda, Macalimiinta kala duwan ee Jaamacada Hargeysa,  Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

Eng: Liibaan Haybe Cumar oo isagu ka mid ah Ardayda ka qalan jabisay Kuuliyada Ingineerka oo ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka xog waramay waxyaabihii kala duwanaa ee ay barteen muddadii Shanta Sanno ahayd ee ay dhiganayeen Kuuliyada Injineerka Jaamacada Hargeysa, waxaanu aad ugu mahadnaqay Maamulka iyo Macalimiinta Kuuliyadooda, waxaanu sidoo kale soo bandhigay qorsha ay doonayaan inay Hargeysa u dhisaan Mustaqbalka haddii ALLE idmo.

Hormoodka Kuuliyada Injineerinka Jaamacada Hargeysa Eng: Xasan Jaamac Diiriye oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga waramay marxaladihii kala duwanaa  ee Kuuliyadani soo martay, waxaanu dardaaran  iyo  dhiirigelin u soo jeediyey Ardaydan qalan jabisay, waxaanu yiidhi “Dhalinyarada iyadu caawa halkan iskugu timid in muddo ah ayey Tababar ku soo jireen, cishadii aan anigu u imid waxa aan u imid iyada oo Afar Sanno lagu qoray, Manhajkoodii ayaan wax ka badalay, waxaana ku idhi Dhalinyarooy wax aad u baahan tihiin inaad bartaan intaas wax ka badan, si aad Injineero u noqotaan, Waalidkoodii lamaan tashan, waxa aan tusay waxa ay u baahan yihiin ee Injineer lagu noqonayo, waxa aan tusay 62-ka Kooras ee ay imika dhigteen, inay u baahan  yihiin si ay u noqdaan Injineero caalamiya, si ay Adduunyada ula tartamaan”.

Hormoodka Kuuliyada Injineerinka Jaamacada Hargeysa Eng: Xasan Jaamac Diiriye isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Ardaydani waxa ay barteen Waxbarasho dhamaystiran oo aan la xaqirin, oo loo bogo, oo  qofku ku shaqaysan karo, waxa aynu nidhaahnaa Dhakhtarku haddii uu khaldamo hal qof ayuu dilaa, balse Injineerku hadduu khaldamo Umad dhan ayuu leeynaya ILLAAHAY SWT kama dhigee”. Hormoodka Kuuliyada Injineerinka Jaamacada Hargeysa Eng: Xasan Jaamac Diiriye ayaa sidoo kale waxa uu munaasibada ka sheegay waxyaabihii kala duwana iyo qeybaha Injineerinka ee uu baray Ardaydan.  Prof: Axmed Gahayr Jaamac oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacada Hargeysa oo isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa ka xog waramay qaabkii ay kuuliyadani ku aasaasantay, fikirkan cidii lahayd, iyo heerka ay Maanta marayso, waxaanu sidoo kale codsaday in dhamaan ardaydan ka qalan jabisay Kuuliyada Injineerka in shaqooyin la siiyo, waxaanu yidhi “Sannadkii 2006 ayaan tagay Jaamacada Camuud, waxa la igu yidhi Jaamacada Hargeysi ma leedahay Kuuliyada Injineerka,aad ayaan uga warwareegay, Sannadkii 2009  ayaa Dr Xuseen Bulxan Saddex Shir oo aanu iskugu nimid ayuu igu  yidhi Injineerin ayaa loo baahan yahay, aniga oo aan arinkii ku dhicin ayaa la sameeyey Ururka Injineerada Somaliland kadibna waxa aan arkay Wejio gaboobay oo iska daxalaystay, markaas ayaan yidhi waa tii uu Dr Xuseen Bulxana ku qasbayee, ee Dhalinyaro Injineero noqda oo lexjeclo badan oo la hadha Injineernimada, kuna dhaqaaq, halkii ayaanu hawshii ka bilawnay, kadibna Dr Xuseen Bulxan ayaa ku dhawaaqay Kuuliyadan, waxa aan raadiyey Eng: Xasan Jaamac Diiriye, oo ku jira  Masaajid Gabiley ku yaala ayaan ka soo saaray, oo arintan ayaan u soo bandhigay, isna uu igu raacay, sidaas ayeyna Kuuliyadani ku hirgashay,  Maantana waxa ka soo baxay Ardaydaas quruxda badan”.

Prof: Axmed Gahayr Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland maan saamixin haddii aan meelahaas ku arko Dhalinyaradan oo bilaa shaqo ah, tacab ayaa galay, waa Dhalinyaro wax bartay, ina waxa aan ku dhiirigelinaya inay sida ugu fiican u shaqayeen”. Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargeysa Prof Cabdislaan Yaasin oo isna halkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga war  bixiyey qiimaha ay waxbarashadu leedahay, waxaanu sidoo kale sheegay in dhalintyaradan ka qalan jabisay Kuuliyadan inay heleen fursad dahabiyo oo ah inay dalkooda wax ku barteen, waxaanu yidhi “Hawshaas aad soo marteen ee aad safarka dheer u soo gasheen ILLAAHAY ha idinku barkeeyo, waana idinku hambalyeynayaa,Ardayda kala duwan ee Jaamacada Hargeysa ka baxay waa Ardayda ugu wanaagsan, waxaana rajaynaya in Ardayda isku jira Hablaha iyo Wiilashaba ee ka qalan jabiyey Kuuliyadan Injineerinka inay iyana noqdaan sidaas oo kale, waliba waxa aan faraya Bulshada in Laba Hablood ku jiraan, Injineerinkana Habluhu xaaran kama ah, anigu waan tahriibay, markaas ayaan haddan soo tahriibayn ,markaas ayaan haddana tahriibay, marka aan leeyahay waan tahriibay aniga oo Sucuudiga jooga ayaan ka shaqaystay, waan soo tahriibay oo Somaliland ayaan u tahriibay, oo SNM ayaanu sameeynay, oo Wadankii ayaanu dhisnay, mar dambe ayaan haddana tahriibay qurbihii ayaanu ku noqonay, oo waanu soo shaqaynay, kadibna waanu soo noqonay oo Wadanka ayaanu u shaqaynaynaa, markaas maaha in hadda Ardaydu Tahriibto, oo halkan ayey wax walba ka qabsan karaan”.

Marwo Milgo Xaaji Nuur Cilmi oo iyana ka mid ah Waalidiinta Ardaydan qalan jabisay, ayaa mahadnaq balaladhan u soo jeediay Maamulka, Madaxda iyo Macalimiinta Jaamacada, waxayna uga mahadnaqday sida wanaagsan ee  ay ugu tabceen Ardaydan, waxa kale oo ay dardaaran u soo jeedisay Ardaydii qalan jabisay, oo ay ku boorinaysay inay dalkooda iyo dadkooda u shaqayeen,

Marwo Milgo Xaaji Nuur Cilmi ayaa  sidoo kale shaahado Sharaf ku maamustay Hormoodka Kuuliyada Injineerinka ee Jaamacada Hargeysa Eng: Xasan Jaamac Diiriye iyo Labada Hablood ee ka qalan jabiyey Kuuliyadan.

 Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Solteco) oo isna halkaas ka hadllay ayaa Munaasibadaas waxa uu ka balanqaaday inuu shaqo siinayo Labada Hablood ee  ku jiray Kuuliyadan iyo Saddex Inamood, waxaanu sidoo kale xusay in aanu waxba kala hadhi doonin, ee wax alaale  wixii ay u baahan yihiin uu ka caawin doono. Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwaana ee uu dalku soo maray iyo marxalada uu Maanta marayo, isaga oo tilmaamay in meel aad u sareeysa uu marayo, waxaanu balanqaaday in wixii uu la qaban karo Ardaydan uu la qaban doono.  Wasiirka Macdan iyo Biyaha Eng: Xuseen Cali Ducaale iyo  Wasiirka  Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo iyana Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu  faraxsan yihiin Ardaydan Injineerada ah ee dalka u soo baxay, waxayna balanqaadeen in wixii karaankooda ah la qaban doonaan, oo aanay dhayalsanayn.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo  isna halkaas ka hadlay ayaa Dhallinyadan ku guubaabiyey inay dadaal iyo karti  muujiyaan, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Dhalinyaro Injineero ah oo dalkooda wax ku baraya, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay kaga dhabayso balanqaadka ay Ardaydan u balanqaaday. Ugu dambeyntii Ardayda  ka qalan jabisay Kuuliyada Injineerinka ee Jaamacada Hargeysa ayaa Shaahado Sharafyo  gudoonsiiyey Macalimiintoodii, waxayna  goobtaas ku soo bandhigeen Buug ay ku diyaariyeen  nashqadaha Dhismayaal ay alifeen.