Hargaysa( Geeska )- Waxa guud ahaanba dalka u fadhiistay imtaxaankii shahaadiga ahaa ardayda fasalada afaraad ee dugsiyada sare iyo kuwa fasalada sideedaad ee dugsiyada dhaxe.
Waxaany masuuliyiinta wasaarada waxabarashadu ay ku dhawaaqeen in guud ahaanba goobahii loogu talogalay in imtaxaanka lagu galo oo dhan 143 goobood, ay dhamaantood wada furmeen imtaxaankana gobalada dalka oo ay ku jiraan Sool iyo Sanaagbariba isku mar looga wada fadhiistay.
Gudoomiyaha imtaxaanaadka shahaadiga ah Daa’uud Axmed Faarax, oo warbaahinta u warmayay inyar uun kadib markii imtaxaanku furmay waxa uu ku warmay sidan “Waxaan jaclahay inaan idiin sheego in saaka ( Shalay ) guud ahaanba uu dalka sideedii subanimo imtaxaankii shahaadiga ahaa ee fasalada afaraad ee dugsiga sare iyo fasalda sideedaad ee dugsiga dhaxe si nabad galyo ah uga bilaabmay, laga bilaabo Doqoshi iyo Duraan oo ay ku jiraan gobalada Sool iyo Sanaag bari iyo dhamaan gobalada Somaliland oo dhan ilaa saacadaas aan imika joognona wax dhibaato ah ma jiraan iyo meel ay wax dib uga dhaceenba, waxaan rajaynaynaa in sidaas fiican uu ee uu nuugu bilaabmay uu nuugu dhamaado.”
Imtaxaan oo socon doon maalamha soosocda ayaa uu gudoomiyahu sheegay in fasalka afaraad ee dugsiga sare ay imtaxaanka u fadhiisan doonaan lix maalmood, halka fasalada sideedaad ee dugsiyada dhaxena ay imtaxaanka ka fadhiisan doonaan sadex maalmood.
Imtaxankan ayaa ah mid ay u fadhiisteen ku dhawaad 18 kun oo arday ah, waxaanu gudoomiyahu imtaxaanaadku uu sheegay inuu yahay mid halgalkiisu uu fufud yahay maadama oo ay ardayda Somaliland imtaxaanka shahaadiga ah u soo fadhiisnayeen sanado badan oo laga dhaxlay waayo aragnimo xoogan.