Telefishanka Qaranka Oo Bilaabaya Barnaamij Loogu Magac Daray MASRAXA MUSHARAXA

0
691

national tvHargeysa(Geeska)-Telefishanka Qaranka Somaliland (SLNTV) ayaa bilaabaya barnaamij loogu magac daray MASRAXA MUSHARAXA oo ah barnaamij looga go’leeyahay ama loogu talo galay inay isku bartaan musharaxiinta golaha deegaanka ee isku sharaxaya doorashada golaha deegaanka iyo dadka shicibka ah ee ay codka ka rabaan.

Barnaamij kan ayaa waxa uu noqon doonaa mid maalinle ah  oo habeen walba wakhti cayiman kasoo galidoona Tvga qaranka kaasi oo u saamaxaya dadka musharaxiinta ah in ay shacbiyad badan kasban karaan.

Barnaamijkan  Masraxa Musharxa oo ah mid aad u caan ah oo ay soo saari jireen wariyeyaal rug cadaa ah ayaa waxa imikana ku hawlan soo saaristiisa dhalinyaro suxufiyiin ah oo aad u firfircoon magacna ku leh bahda saxaafada waxaanay  noqonaysaa  markii labaad ee uu soo baxo iyada oo sanadkii 2005 loo furay musharaxiinta golaha baarlamaanka ee sanadkaasi, kanina uu noqonayo mid uu Tvgu uu  iskubarayo  musharaxiinta golaha deegaanka iyo shacabka.

Doorashada golaha deegaanka ee aan wali wakhtigeeda la cayimin ayaa u muuqata mid aad uga saxmad badan tii kalhore iyada oo loo aaneeyo iyada oo hoos loo dhigay da’da dadka musharaxnimada loo ogolyahay taasi oo noqotay mid dhiiri galisa dhalinyaro aqoon yahano ah oo tiro badan, iyada oo barnaamijkanina uu noqon karo majaraha ay u mari karaan in ay shacabka ku qanciyaan in ay u codeeyaan.