Istanbul (Geeska)- Arday dhigata kuliyadda Injineeriyadda ee jaamacadda caasimadda Turkiga ayaa curiyey nidaam cusub oo gaadhigu marka uu shil galo ka ilaalinaysa in uu gaddoomo iyo in haddiiba uu dhinac u dhaco uu galgasho. Cusmaan Dawndaar Qurah iyo Kontaay Shaahqaan Yeldariim oo uu kormeerayey Andaatij Towriyah Shaamil Ooqlo oo xubin ka ah haayadda waxbarashada ee kuliyadda, ayaa sameeyey nidaam casriya oo kala ilaalinaya baabuurta dhinacyadiisa iyo dhulka.
Shaamil Ooglo oo arrintan sii faahfaahinaya ayaa sheegay in nidaamkan cusub ee ay ardaydu samaysay uu ka kooban yahay barkimooyin neef ah oo sida tan shookaanta ku jirta iyagu ku jira dhinacyada baabuurka, xaggiisa hore iyo xagga dambe, kuwaas oo ku shaqaynaya xoogga korontada iyo barnaamij kombiyuutar oo ay ku garan karaan marka uu gaadhigu dhinaciisa dhulka ku dhowaado, iyaga oo ka qiyaas qaadanaya halbeeg qiyaasaya cabbirka dhulkga iyo gaadhiga u dhexeeya oo ku rakiban, kadibna waxaa xoog u soo baxaya oo barkimooyinkaas neefta ah ee ku rakiban dhinacyada gaadhiga iyo daaqadaha hoostooda si ay u kala dhex galaan gaadhiga iyo dhulka kadibna gaadhiga kor u soo caabbiyaan si uu mar kale cagaha dhulka ugu soo celiyo. Warkan oo uu geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Anadolu waxa uu intaas ku darayaa in qalabkani uu, sidoo kale gaadhiga ka ilaalinayaa in uu galgasho iyo in duqado ay soo gaadhaan labadaba.