Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha cusub ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo ay dad badani aaminsanyihiin inuu hadda uun ku soo booday masraxa siyaasadda Somaliya, haddana wuxuu ahaa aqoonyahan ka faallooda arrimaha siyaasadda oo wax laga weydiiyo, waxaana la helay dhukumenti cadaynaya aragtidiisii Madaxweynaha ka hor uu ka aaminsanaa Somaliland.
Tusaale ahaan wakhtigii uu qabsoomayay shirkii Ingiriiska ee ay Somaliland ka qayb gashay bishii Feebarwari ee sannadkan, wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud ka qayb galay dood uu qaban qaabiyay telefishanka Aljaseera qaybtiisa Ingiriisida, waxaanu Xasan doodaas kaga hadlay fikirkiisa ku waajahan Somaliland iyo midnimadii Somaliya ee burburtay. Isagoo ka hadlaya Somaliland, wuxuu wakhtigaas Madaxweynaha Somaliya yidhi “Waan ku raacsanahay saaxiibkay, dhab ahaan Somaliland wax wanaagsan ayey qabsadeen, waxay ku guulaysteen dhisitaanka mustaqbalkooda iyo xasiloonidooda, waanan ku faraxsanahay sidaa anigoo Somaali ah, inaan arko sida Soomaalida qaarkood u dhismi karaan gargaar dibadeed la’aan, fikir beesha caalamku aanay aaminsanayn in sidaa Soomaalidu yeeli karto. Markaa su’aashu waa, ka dib labaatan sannadood markii xukuumadii burburtay, ma fili karno Soomaali hagaagta berri ama saadanbe, waxaan ku hamiyeynaa ma gaadhi doonaa meel hagaagsan kama danbaysta. Waxaan isweydiinayaa xilligan sababta aan u galay arrinka Somaliland, waan ku raacsanahay fikirka khabiirku ku sheegay ciddee ayey Somaliland la wada xaajootaa, midnimo konton sannadood dhacday, oo mushkilado ka dhaceen, waxaan u baahannahay inaan dib uga wada hadalno midnimadaa, inkastoo midnimadu muhiim tahay isla markaana aanay jirin sabab diidaysa inaan mar kale midowno, laakiin, marka hore aan bakhtiino dabka ka holcaya Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, ka dib aan gaadhno meel aan wada xaajood Somaliland lala yeesho uga fekerno.”