Aqoonyahano Iyo Mujaahidiin Taageeray Baaqii 16-ka Qodob Ahaa Ee Ay Golaha Toosintu Soo Bandhigeen

0
743

Picture8Hargeysa(Geeska)-Siyaasiyiin,  aqoon yahan tiro badan iyo mujaahidiin ayaa taageero u muujiyay golaha wada tashiga iyo toosinta ee dhawaan dalka lagaga dhawaaqay. Waxaanay madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqeen in uu geesinimo muujiyo oo uu shacbiga uga jawaabo dhaliilaha loo soo jeediyay oo ay ku tilmaameen inay yahiin dareenkii shacabiga Somaliland.

 

Kooxdan siyaasiyiinta iyo aqoon yahanka isugu jirtay waxa ka dhex muuqaday xubin ka mid ah golaha dhaxe ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo taageersanaa golahan wada tashiga,isla markaasna sheegay inay jiraan dhaliilo tiro badan oo ka soo if baxay xukuumada Madaxweyne Axmedn Siilaanyo.

Ugu horayntii Axmed Sandoon Xasan oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi“Haddii aanu nahay aqoonyahanka dalka ee halkan isugu yimid waxanu ku qanacnay inuu dalku marayo marxalad adag oo dhinac walba ah.Waxaanu qawad badan ka muujinay hayadihii wax ka qaban lahaa marxalada uu haatan dalku marayo inay ka gaabiyeen, iyada oo masuuliyad dastuuri ah ka saaran yahay, taageeradayadu waxay ka timid markii aanu aragnay in cidii loogu nasteexeeyey ee ay ahayd inay ka qanciso golaha ay u booday meelo kale, anaguna waxaanu kulan ku muujinaynaa oo aanu taageero buuxda la garab taaganahay golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka.”

Cabdikariin Baande Cismaan oo ka mid ah xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye,ayaa daboolka  ka qaaday in uu taageersan yahay golaha wada tshiga iyo toosinta,isla markaasna dhaliilo iyo baaq u diray madaxweyne Siilaanyo,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Aniga oo ku hadlaaya magacayga waxaan taageersanahay Golaha wada tashiga iyo toosinta waxaan aaminsanahay in 16-ka qodab ee ay odayadu soo dhigeen ay yahiin dareenkii shacabka,waxaanu ognahay in 16-kaas qodob iyo boqolaal ka badanba in loo hayo xukuumadani sadexdii sano ee ay jirtay,waxaynu ogsoonahay in shacabka iyo xukuumadu aanay war isku hayn.waxaan ahay dadkii u dagaalamay in uu Axmed Siilaanyo kursiga fuulo, xaqna waxa uu u lahaa inuu fuulo, manuu boobin ee cod ayuu ku helay waxaan la yaabanahay maxa sadexdaas sanadood albaabada looga xidhay shacabkii Somaliland ee doortay,waxaan aaminsanahay in aan lagu meeraysan magacan golaha ama madal u bixiya ama gole 16-kaas qodab waxa looga fadhiyaa madaxweynuu inuu umadda ka qanciyo oo uu ka jawaabo waa dareenkii shacabka intii u horaysay madaxweyne adiga oo sharaf leh geesinimo muuji oo adiga iyo xukumadu uga jawaaba shacabka dareenkoodan la soo dhigay.”

Aqoon yahan Xasan Jaamac Bacad oo isaguna dhankiisa halkankahadlayay waxa uu yidhi “Anagu ma nihin shakhsi diid,qabiil diid,deegaan diid,iyo qaran diid midna,laakiin waxa dalkan baabiiyey saddex qodob oo kala ah, qabyaalad,qaad iyo qaatee qaado oo si xad dhaafa u kordhay intii xukuumadani joogtay, waxaanad arkaysaa wasiirka darawalkiisa, askariga ilaaliya,xoghayntiisa,waashmaanka,iyo inta kale ee u shaqaysa iyo waliba meheradaha uu fadhiistaa intuba waa reerka uu ka soo jeedo, oo waliba uu kula dhex jiro isku dir iyo kala fogayn. xukuumadu waateenii raga halkan fadhiyaana waa kuwii dhisay, laakiin waxay ka leexatay majarihii waana waajib in lagu soo dabaalaa.dhaqaalaha dalku wuxuu ku tiirsan yahay Xoolaha nool,oo ay sannadkii ka soo gasho xukuumada cashuur gaadhaysa 20 milyan oo dollar, balse aad moodo in imika la dabargoynayo xoolihii, iyada oo xukuumadu heshiisyo qarsoodiya oo baalmarsan shuruucda dalka la gashay shirkado ajaaniba, isla markaana baadhitaano laga wado gobolada Togdheer, Daad-madheedh iyo Saraar, iyada oo aan wax qorshe ah loo samayn dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ay arrintani saamaynaysay dhibta ka imanaysa shiidaal qodista, dadka faa’iidada ka helayana ay yihiin ajaanib saami muuqda oo la sheegi karo oo ay Somaliland ku leedahayna aanu jirin lana dhinac mariyey inay ka doodaan Golaha wasiirada,Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida sidaas awgeedna uu xaaraan yahay heshiiskaa sharciga baalmarsan.”

Prof.Axmed Azhari ayaa talooyinkan u soo jeediyay madaxweyne Axmed Siilaanyo “Waxa inoo caado ahayd 22-ka sano ee aynu dib u dhiska ku jirnay wada tashi,iskaashi,ismaqal iyo is qancin,ta maanta aanu halkan la joognaana waa taas oo kale in lays toosiyo oo wax laysku sheego, ninka adiga oo qoldan ku toosiyay waa mid wax ku taray, mana doonayno tacabkii aynu soo galnay in aynu ku qasaarno. Khaasatan madaxweyne Axmed Siilaanyo oo lix sano hogaaminayay SNM inuu ku fashilmo hogaamintan ama ay gacantiisa ku burburto qadiyada Somaliland ma doonayno allena kama dhigo.”

“Qolad kaliyaata oo uu hogaamiye qaran galo ama il duufo ayaa dal iyo dakiisuba ku burburaa sidii dalka Ciraaq oo kale.qaladkii siyaasadeed ee aynu galnay 1960-kii waxa ka soo wareegay 53 sanadood walina waa kaas dhibkiisii ina haysta,waxa madax weynaha waajib ku ah in aanu mar labaad galin khaladaadkii hore loo galay oo kale oo dad iyo duunyaba lagu waayay,kuwa ilaawa taariikhdooda iyo dhibka ay soo mareen waxa lagu ciqaabaa in dhibkii mar labaad ku soo noqdo.madaxeynaha waxaanu u soo jeedinaynaa in aanu magaciisu xumaan ka marag kacin.”

Mujaahid Wadne, oo ka mid ah raggi dalka u soo halgamay ayaa isna halkaas ka sheegay inay taageersanyihiin golaha ay siyaasiyiintu ku bahoobeen, waxaanu Madaxweynaha iyo xukumadisa ka codsaday inay ka jawaabaan dhaliilaha loo soo jeediyay.