Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.
– Waalidku waa in uu iska ilaaliyaa in ay ku murmaan ubadka hortiisa, haddii mid ka mid ahi uu wax u sheegayo ilmaha kan kale waxa uu ku qurux badan yahay in uu aamuso oo uu u dhagaysto sida carruurta. Haddii ay dhacdo in aanu ku waafaqsanayn waxa uu Ilmaha u sheegayo ama sida uu u sheegayo, waa in ay mar gaar ah ka wada hadlaan kadibna ay fikrad midaysan ay ula yimaaddaan ilmaha. Haddii ilmuhu uu ka cabanayo mid ka mid ah labada waalid kan kale waa in aanu odhan ereyo kakan sida, Ma dhici karto, Sidaa kuguma samayn karo, Anaa dilaya ee iska aamus, wuu khaldan yahay.
– Haddii aad la joogto Caruurtaada oo xaas leh ku dadaal in aanad samayn wax uun u dhimi kara qoyskooda. Tixgeli arimaha gaarka u ah caruurtaadu marka ay waynaadaan ama reer yeeshaan. Carruurta aad soddoga ama soddohda u tahay si gaar ah u tixgeli una qaddari.
– Ehelka iyo qaraabada kala qayb qaado munaasabadaha farxadda iyo dhibtaba.
Nolosha Qoysnimada.
– Ilaa hadda waxa ka jira meelo badan oo dunida ka mid ah in hablaha iyo innamadaba lagu dirqiyo guur aanay ka raali ahayn. Ogow in guurka noocan ah ay adag tahay in uu guulaystaa.
– Faqrigu maaha sabab qof lagu nici karo. “Dad badan oo markii ay guursadeen shaqo wacan iyo hanti badan helay, halka kuwo kalana ay ay waayeen shaqadoodii noqdeena dad baahan, sidaa darteed guurkaaga ha ku salayn maal iyo adduun, waxa ugu mudan ee lamaanahaaga lagu doortaa waa dhaqanka iyo asluubta”
– Gabadha waa in aanay guursan guursan nin aan lahayn Il-dhaqaale oo isaga u gaar ah. “Ogow in hantida qoyskiisu aanay kuula mid ahayn hantida uu isagu xoogsado haba yaraato ee. Waxa jira qoysas badan oo u burburay kaliya in ninku uu dhaqaale ahaan ku tiirsan yahay qoyskiisa, sidaa awgeedna uu awoodi waayay in uu buuxiyo baahiyaha xaaskiisa”
– Haddii aad saaxiib la tahay qof aad og tahay in qalbigiisu qof kale la hayo waligaa ha isku dayin in aad cid kale ku qanciso.
– Qofka ha u guursan in uu qurux badan yahay, lacag leeyahay, qoys ladan ka soo jeedo ama uu yahay laan dheere iwm. Taasi xidhiidhka siima adkayso laakin waxa xidhiidhka adkeeya dhaqanka labada qof iyo niyadda ay isu hayaan.
– Ma jiro guur ku meel gaadh ah, ama guur ku dhisma dano la is waydaarsado. “In badan bulshadeenna waxaa ka dhacda in dad badani ay isu guursadaan dano gaar ah, sida Dhoofka. Haddaba adigu Maskaxda ku hay in guurku uu yahay xidhiidh barakaysan oo Ilaahay jideeyay sidaa darteed lagama yaabo in uu midho dhal noqdo haddii aan waddo sax ah loo marin.