“Annagu Xafiisyadayada Ayaanu Tagnay Maanaan Galin Olole, Qolada Waddani Iyaga Ayaa Naga Socod Badan Oo Gobalada Nooga Safaro Badan”

0
548

Picture6Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa si adag uga jawaabay eedo maalmihii u danbeysay ka soo yeedhayey mas’uuliyiinta ugu sar-saraysa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kuwaasi oo safarkii dhawaan hogaanka xisbiga Kulmiye ugu baxeen gobalada bariga Somaliland ku tilmaamay mid olole ah sida oo kalena ay jabiyeen qodobadii ay golaha guurtidu hore uga soo saareen bixida safarada xisbiyada qaranka ka hor mudaynta wakhtiga doorashada, waxaana uu carabka ku adkeeyey in aan safarkoodaasi ku sal lahayn wax olole ah isla-mar ahaantaana ay kaliya u baxeen sidii u soo furi lahaayeen xafiisyada xisbiga Kulmiye uu ku leeyahay gobalada bariga Somaliland, lana soo kulmi lahaayeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobaladaasi.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu tilmaamay in goobaha ay dadka kula kulmayeen ahayd xafiisyada xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye uu ku leeyahay magaalooyinka ay tagayeen, sida oo kalena waxaa uu ugu horeyn ka hadlay mudadii ay ku jireen safarkaasi xaaladii ay ku soo arkeen deegaanadii ay marayeen, isaga oo carabka ku dhuftay in deegaano badan ay ka jirtay abaar aad u adag oo saamayn ku yeelatay guud ahaanba xaalada nololeed ee bulshada.

"Marka hore safarkaygu aad iyo aad ayuu guud ahaanba u wacnaa, waxaana aan jidkaa dheer ee laga soo bilaabo Hargeysa Illaa Laascaanood aan ku oo arkay in dhulka badankiisa ay ka taagnayd Kaliil, markaa Illaahay waxaan uga baryeynaa in uu dadkaa ka soo jabiyo abaaraha haysta, meelo roobani waa ay jiraan. Waxaa aanu guud ahaanba soo aragnay dad Somaliland ah oo ku adag Somaliland-nimada oo qaarkood ay meelo fog fog joogaanba sida Ceerigaabo iyo Laascaanood oo kale ah oo duruufo iyagu ka gedisan kuwan galbeedku ku jiraan hayso, waxaan soo aragnay dad u heelan nabada. dad marka axsaabta laga hadlaayo xisbiga Kulmiye si aada u canaantay oo aad ugu jeelanaa xisbiga oo dee iyagu haddii Burco la joogo Galbeed ayaa ay u yaqaaniinee ah dad dhaqaale, dawladnimo iyo ilbaxnimo ba ay ka jirto, waxaan soo aragnay dad aad iyo aad u firfircoon oo si aada u taageersan xisbiga Kulmiye kii aan taageersanayna aan ahayn mid sida kuwa Hargeysa jooga ee dadka caacaaya aan ahaynee oo ku odhanaaya annigu Waddani ayaan ahay ee maxaad haysaan oo dan uun kaa waraysanaaya, markaa dad aad u wanaagsan oo sida u tabcaaya oo aad iyo aad u wanaagsan ayaan kula soo kulanay.".Ayuu yidhi Muj.Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu sida oo kale sheegay in muddooyinkii danbe ay taageerada xisbiga  Kulmiye ee gobalada barigu kor sii kacaysay, waxaana uu ku sababeeyey dhismaha wadada cusub ee loo wado magaalada Ceerigaabo iyo barnaamijyo horumarineed oo xukuumada hada jirta ay ka hirgalisay deegaanadaasi.

"Taageeradii xisbiga Kulmiye ee gobalada Barigu kor ayey u kacday oo marka aad laamayda ka degto ee aad u sii jeedo Ceerigaabo ayaa arrinkoodu yahay, deedna xisbiga Kulmiye waa xisbiga hawshaas bilaabay, waxaana ay qabaan xisbiga Kulmiye in uu yahay ka wada bilaabay wakhti kasta ha dhamaatee, waxaana ay ku suntan tahay Kulmiye gaar ahaan madaxweyne Siilaanyo, markaa marka aad Laamayga ka degto ee aad Ceerigaabo tagto oo ah dhulka 300 Km ah dadka jooga iyagu waa Kulmiye, mashaariic kale oo fara badan oo dhawr ah iyaguna waa ay jiraan haddii ay Biyo tahay, Iskuulada qaar wax laga taabtaabtay oo waa dhulkaa aadka u baaxada weyn ee aynaan toban sanno oo danbe gaadhayn laakiin ay dawladani dedaal aad ka gashay, markaa jiidaasi waa Kulmiye.".Ayuu yidhi Md.Muuse Biixi.

Muj.Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu ugu danbeyn ka hadlay arragtidiisa ku aadan eedaha kaga imanaayey xisbiga Waddani ee ku aadana safarka ay ugu kicitimeen gobalada bariga Somaliland.

"Waxaa hubaal ah hay'ad kasta oo dhisan ama ha ahaato shirkad ganacsi ah ama laamaha dawlada mid waliba waa in ay xafiisyadeeda soo dhistaan oo soo kormeeraan, markaa annagu Kulmiye ahaan imika murashnimo kamaanan hadal, barnaamij siyaasadeed oo kalena maanan ka hadal, doorasho maanan soo hadal qaadin, waxaanu soo qaadnay waa xafiisyada iyo dib u dhisidooda iyo taageerayaashayadii oo aanan muddo badan arag in aanu soo waraysano in aanu xafiisyada soo furno oo inta badana xafiisyada ayaanu joognay, meelaha aanu ka hadalnay xafiisyadayada ayaa ay ahaayeen, waxaa aanu ka hadalnay wax xafiisyadayada ku eeg ayaa ay ahaayeen marka annagu xafiisyadayada ayaanu tagnay maanan galin olole waayo wakhti olole lama joogo, laakiin dee haddii la diidan yahay oo la leeyahay maxaad u soo marteen dhulalkaas dhan oo xafiisyada aad u soo furaysaan, taas waa ay nagaga gardaran yihiin, waxaana aan qabaa eedaasi ma jirto iyaga ayaa naga socod badan oo gobalada nooga socod badnaa oo safaro badan, annagu intii ay xukuumadaasi jirtay oo Shan sanadood ah waa safarkii ugu horeeyey ee aanu sidaas dalka ugu soo marno, waayo waanu ka raagnay oo dawlada ayaa markii hore shaqaynaysay annaga iyo dawladuna ismaanan garab carari karayn, maantana waa wakhtigii uu xisbigu shaqaynaayey oo muuqata marka sidaas ayaa aanu xafiisyada u soo furaynay uun ee maanan u socon hawlo kale.".Ayuu yidhi Muj.Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa geesta kale shalay booqday fadhiisimada hore ee uu ciidanka qaranku ku leeyahay gobalka Sool, waxaanu khudbado guubaabo ah u jeediyay ciidamada qaranka oo aad u soo dhaweeyay. Waxaanu sidoo kale shalay booqday magaalada Lascanod ee xarunta gobalka Sool oo si diiran loogu soo dhaweeyay.