“Anigu Weligayba Waxaan Watay Warancade”..Axmed Yuusuf Yaasiin

0
745

Hargeysa(Geeska)-Ku simaha guddoomiyaha UDUB ahna guddoomiye xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Daahir Rayaale Kaahin oo ah guddoomiyaha xisbiga.

ahmed-yusuf-yaasiin

Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu si cad u sheegay inuu isagu watay in Cali Maxamed Warancade noqdo murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UDUB doorashada dambe ee madaxtooyada, laakiin haddii laga talaabo dheereeyo uu taageerayo cidda ka talaabo dheeraysa, waxaanu sheegay inay Daahir Rayaale Kaahin ka wada socdaan kala saarista murashixiinta iyo inuu xulo murashax umadda ka gadmi kara. Sidaas wuxuu ku sheegay waraysi uu la yeeshay weriye Faysal Xiis Weerar (Afgaab), waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

Ugu horayn waxa aan ku su’aalay halkuu idiin marayaa wada tashiyadii baryahanba idiin socday ee xisbiga,  maxaase ka soo baxay?

Kolay imika muddo lix bilooda waan shaqaynaynay oo waxaanu ka shaqaynaynay sidii uu xisbigu u dhismi lahaa, sidii shuruucdiisa loo adkayn lahaa dabcan muddo hore waxaan ku dhaqaaqnay in aan samaynayno musharaxiin madax banaan taas waxa nagu kalifay ee aan u soo dadajinay si ay umadu u aragto in waxii aan balan qaadnay aan ka dhabaynayno oo aan la odhan ma inta shirweyne la gaadhayo bay samayn doonaan oo iyagaa soo noqon doona, markaa waxaan soo dadajinay in aan marka hore dadka u damaanad qaadno in aan samaynaayo wajiyo cusub oo hoggaankii xisbiga kamid noqda oo ah astaamaha aan u soo da’dajinay waa ka kow.

Ta la badaad muddo waxaan ka shaqaynaynay xeerka guud ee xisbiga oo dabcan marka waxa laga badalaayo waxa la samaynayaa kaabis iyo wax ka badalis taana muddo dheer ayaan ku jirnay awoodaasana waxaan ka qaadanay markii aan isugu nimid shirkii golaha dhexe ee u danbeeyay oo go’aamadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen in xeerkii xisbiga dib loo eego oo lagu soo kordhiyo musharaxiintaas madaxa banaan si uu xisbigu u hano qaado,  sababta oo ah tusaale ahaan guddoomiyahii iyo gudoomiye ku xigeenkii hore wax ay mudadoodu dhamaanaysaa  2014 bisha labaad, markaas si aan dadku u mooraal jabin arimaha kale ee imika jirana loola jaanqaado maadama oo ururo la furay xisbigu waxa uu iib baxayaa marka uu arko dad cusub oo hor baxay oo kaadhadhkii la isticmaalay ay dib u fadhiistaan, xeerkii guud markii aan dhamaynay ee guddida fulintuna ay ansaxisay haddana waxaan galnay xeerar kale oo ah xeer hoosaadkii musharaxiinta madaxtooyada iyadana waxa la ansixiyay  xeer hoosaadkii golaha deegaanka.

Xisbiga Udub waxa uu leeyahay aqoonyahan badan oo u badan safiiro oo dibada ka wada yimid, taasina waxay sababtay in tartankii musharaxu uu adkaaday, markaa horta musharaxan xeerka loo sameeyaya dee horta guddi baa loo saaray, guddidaasu mudday ka shaqaynaysay dabcan musharaxa waxa lagu xidhay oo aan soo celis lahayn  waa cudhaadhta oo 10 kun ninka madaxweynaha doonaaya iyo 5 kun ninka madaxweyne ku xigeenka doonaaya, lacagtan kale ee kaydka ah ee la ogaanaayo ninku ma yahay nin wax haysta marka laga yimaado shahaadooyinkiisa, ma yahay nin aan ku socon wadanka oo aan xoolaha umada doonayn, taasna waxa lagu xidhay lacag kayda oo isagu uu saxeexeeda leeyahay oo haddii uu waayo uu waxiisa la noqonaayo, waa lacag kayda si aan u hubino ninkan tartamaaya ma waxuu ku socdaa caantaynka islaanta fadhida suuqa, mise waa nin hadhawto isbixinaaya oo kaydkan horana hadduu waayana la noqonaaya haddii kalena xisbiga ugu shaqaynaaya.

Tusaale ahaan ninka musharaxa ah ee hadhawto soo baxaa ee halkan laga ansixiyo waxa uu u baahanayaa lacag ka badan 3 milyan inuu xisbiga la hawlgalo oo maalgaliyo, laakiin marka hore waa inuu ahaadaa nin leh gundhig oo aan cidla cararayn, xisbigu sibigu waxa uu la dagaal galayaa inta danbe isaguna imika ayuu xisbiga la dagaal galayaa oo uu la hawl galayaa si uu xisbigu u soo baxo, waana waxa ay guddidii loo saaray go’aamisay oo waa soo bixi lahaa kontan musharax oo madaxa is haysta, markaa iyagaaba adkeeyay oo waa loo codeeyay.

Imika waxa noo hadhay uun in wiiga soo socda dabayaaqadiisa la kala saaro oo ilaa hadda wuu furan yahay hadduu ahaado safiir iyo hadduu ahaado nin aqoonyahanada dibada nagaga ee maqnaa dhamaan waa uu joogaa sii fiiyadoodiina waa ay soo direen, taasna waxa u xilsaaran inay kala reebto shirweynaha oo wixii kala hadhi waaya ee isku mid noqda waxa lagu kala saarayaa shirweyne aan caadi ahayn oo markaa waxa awodaas leh shirweynaha oo awoodaas malaha fulintu.

Ururo badan ayaa qaatay shahaadada oo is diiwan galiyay, qaarna wali ismay diiwangalin, waxaana jira is xod xodosho ururada ka dhax socota idinka wali urur ma idinla soo xidhiidhay si uu idiinku biiro?

Walaahi marka horaba xisbigayagu waxa uu ahaa xisbi bahweyna oo waa xisbiga kaliyaata ee aanan garanayn cid ka maqanba, markaas xisbiyada kuwan xodxodanayaa waa qaar ay ka maqan yihiin bahweynta oo kale, kuwan waxa laga yaaba inay iyagu isku biirbiiraan, lakiin xisbi qaran garan maayo in cidi ku soo biirayso waa laga yaabaa Ucid oo isagu kala jabay waa laga yaabaa inuu cid urursado, laakiin labada xisbi ee kale waa laba xisbi oo waaweyn waa kuwa wax laga dhacsanaayo, markaa waxa laga yaabaa kuwan imika lagu dhawaaqay inay isku biirbiiraan waan ay fiicantahay inay isku biirbiiraan saddexdii hore inay sadex kale la tartamaan waa mid haboon oo taasina nabadgalyadeena ayay ka qaadanaysaa qayb weyn.

Dadweynuhu baryahan waxay isala dhex marayeen waa sidee xidhiidhka u dhaxeeya Axmed Yuusuf iyo Daahir Riyaale ee imika, bal arintaas dadka u iftiimi?

Walaahi waan arkaayay Haatuf oo qoraysay maalin dhaweyto madexweyne ku xigeenkii hore iyo Madaxweynahii ayaa musharaxiinta kala raacay waanan maqlaayay, taasi waa borobobagaandho, arinkan imika aan wado madexweynaha waan ka wada tashanay oo isagaa igu yidhi dhexda u fadhiiso oo xaqa u qaad oo musharaxiinta tartansii oo soo saar ka ugu haboon ee dalka hagaaya markaa tan la leeyahay hebel iyo hebelbay kala wataan waa arin qaldan, anigu haddaan cid wadan lahaa horeba waxaan u watay Cali Warancade, laakiin haday yimaadaan rag ka firfircoon oo adduunka ka yimid oo xisbiga uga fiican oo xisbiga kor u qaadayaa ma diidaayo, saaxiibkay haddii laga talaabo dheeraaday hadii si qaldan loo qoray ciday doontaaba haw qortee dee anigu isagaan watay laakiin hadday yimaadaan rag ka talaabo dheer oo talaabsanaaya xisbigu kaas talaabda dheer ayuu u baahan yahay una eegi mayno reer iyo qabiil cidduu yahay, waxaanu eegaynaa shuruucdaa la dajiyay inay buuxiyaan.