“Anigu Warqad Uu Dr. Macow Wadanka Kaga Shaqeeyo Maan siinin, Ee Waxaan Siiyay……..”

0
586

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa meesha ka saaray in wax ogalaansho ah oo uu shaqo ku bilaabi karo uu siiyay Dr.Macow, waxaanu sheegay in warqadii uu Dr.Macow dadkii matalayay siiyay ay ahayd in loo fududeeyo soo galiteenka dalka.

Waxa uu wasiirku sheegay in war qaldan laga siiyay Dr.Macow, isla markaasna ruqsada ka hawlgalida dalka ee arimaha caafimaadka la xidhiidha ay bixin karaan oo kaliyaata Gudida Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Wasiir Xaglotoosiye ayaa sidan ku sheegay isaga oo warbaahinta ugu waramaayay golaha baarmaanka halkaas oo ay ugu yeedheen gudida joogtada ah ee golaha wakiilada si ay arintan Dr.Macow wax uga waydiiyaan.

Waxaan isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi“Sidaad ogtihiin waxa ii yeedhay guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland muhiimada iyo ujeeda ay iigu yedheen waxa weeyaan inaan uga xog waramo wasaarada caafimaadka mudadii aan joogay ee aan masuuliyadeeda hayey, Dr.Macow anigu warqada uu wadanka kaga hawl galo kagana shaqeeyo maan siin waxaan qoray waraaq aan kaga codsanayo cid ay qusaysaba in loo fududeeyo dhakhtarkaas imaantinkiisa u imanaya, yoolka wasaaraduna maaha in dhakhaatiirta ka imanaysa dibada ay siiso ruqsada  ay ku shaqeeyaan, waxaan ruqsada siin karta guddida mih-nadlayaasha caafimaadka Somaliland oo Digreeto Madaxwayne ku Magacaaban shaqadeedun tahay dhakhaatiirta dalka ka soo gasha dibada, cidii dalka shaqo caafimaad u imanaysaana waa inay ruqsad ka qaataan qoladaas, haayadaasi cida ogalaanshaa dalbatay hadii ay u soo baxdo in aan xirfadlahaas caafimaad aanu buuxin shuruudii ay u baahnaayeen iyaga ayaa awooda u leh inay u diidaan ruqsada, inta dhacdayna waa intaas uun.”

 Waxa uu beeniyay wasiir Saleebaan Xaglotoosiye in wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadku ay Dr.Macow oo uu ogalaaday ay hor istaagtay, waxaanu yidhi isaga oo arinaas ka hadlayaa sidan“Waxba Kama jiraan warka sheegaya in ay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka diiday inuu Dr.Macow Dalka Baadhitaan Caafimaad Ka Bilaabo, waxaan anigu ogolaaday oo wasiir ku xigeenka caafimaadku diidayna ma jiraan, waana ku tiri ku teen, wasaarada caafimaadkana aniga ayaa wasiir ka ah maan-dhaydka madaxwaynaha Somaliland igu magacaabayna anaa iska leh, Waxaan Anagu ogolaaday wasiir ku xigeen madiidi karo waa sheekooyin ay meelahaas laga sameeyey.”

Mar Su’aal laga waydiiyey wasiirka Caafimaadka inuu isagu ku saxeexnaa waraaqda lasiiyey Dr.Macow waxa uu yidhi “Warqadaas waxaas aad sheegaysaan kuma qorna waxaana jecelay inaad Waraaqda Akhridaan, waxaana ku qoron dhakhtarkaas oo waliba waxa uu ku takhasusay been la iiga sheegay oo la igu yidhi waa dhakhtar dumar   oo imanaya dalka ayaa kaa doonaynaa inaad wasiir noo fudaydisid inuu soo galo Somaliland ayay ahayd.”