Haayada Tayada Oo Ganacsatada Uga Digtay Soo Dajinta Badeecado Macmal Ah Iyo Kuwo Dhacay

0
621

Hargeysa (Geeska )-Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdalla (Cali Biikalo), ayaa Ganacsatada waddanka uga digay in ay dalka soo galiyaan Badeecado iyo Daawooyin aanay tayadoodu wanaagsanayn kuwaas oo dhibaatooyin caafimaad darro iyo dhibaato weyn oo xaha nolosha ah u keenaya shacabka reer Somaliland.

Isaga oo si adag farriin ugu diray qof kasta oo lagu soo qabto in uu umadda ka iibinayo daawooyin iyo badeecooyin dhacayna oo tayadoodu xun tahay ama dhacayna ay tallaabo sharci ah oo adag ka qaadi doonaan una gudbin doonaan Xeer Ilaalinta si tallaabo adag oo sharci loo mariyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Biikalo oo shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa waxa u sheegay in ay dabo gal culus iyo baadhitaano qoto dheer ku hayaan isla markaana ay ogyihiin in ay jiraan Ganacsatada qaar Badeecooyin Been Abuur ah (Fage) oo la soo macmalay loona ekaysiiyey kuwo dalka hore loo keeni jiray in ay jiraan taasina cidda ay ku qabtaan in ay sharci adag marin doonaan umaddana ka qaban doonaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md.Cali Maxamed Cabdalla (Cali Biikalo) oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa Jira Runtii oo aan daba gal iyo u kuur gal ku haynaa amma aanu ognahay in ay jiraan badeecadaha qaar Fake ah (Been Abuur) oo lasoo macmalo oo loo soo ekaysiiyo kuwo dalka hore looga isticmaali jiray kadibna dad si gaar ah u galiyaan oo meelaha qaar lagu qabto. Aad iyo aadbaanu runtii arrinkasi hawl gal ballaadhan ugaga jirnaa waanan jecelahay in dadka noocaasi oo kale ah aanu soo qabano gacantana ku soo dhigno dadka waxbaayahaasi oo kale gacanta kula jira."

Guddoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdalla (Cali Biikalo) waxa kale oo uu sheegay in Xeerkii Dhawrista Tayadu haatan Hor Yaallo Golaha Wakiilada Somaliland dhawaanna la ansixin doono, waxa kale oo Guddoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayadu Md. Biikalo sheegay in cid kasta oo umadda u tudhi wayda isla markaana keenta agab wakhtigoodii dhacay ama been abuur ah ay la tiigsan doonaan sharciga oo aanay marnaba ka hadhi doonin umaddana ka qaban doonaan, sida ugu dhakhso badana ugu gudbin doonaan Sharciga dalkeena si tallaabada ku habboon looga qaado.

“Waxaan aad iyo aad ugu adkaynayaa dadka Ganacsatada ah ee wax keena ugana digayaa in Ciddii wax dhacday ay yaallaan Dukaamadooda in ay si degdeg isaga diyaariyaan. Qofkii la arko in uu meel ku qarinayo wixii dhacay oo uu qarinayo waxa hubaal ah in uu ciqaab adag mutaysan doono. Ganacsatada sidoo kale meelahaa ku qarqarinaya waxyaabaha la sheegayo ee been abuurka ah (Fake), Qofkii isagu Badeecaddaasi yeesha ee gacantiisa loogu yimaad ee lagu qabto waxa loo aqoonsanayaa in uu yahay qof Musuqmaasuq dalkiisii kula kacay oo Foojari sameeyey waxaanan dacwaddiisa marin doonaa Xeer Ilaalinta Qaranka si umadda looga qabto.”

Hadalkan Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa ku soo beegmaya wakhti daawooyinka iyo badeecaha Been abuurka ah ama wakhtigoodii dhacay dhibaatadii ugu badnayd ku hayso shacabka reer Somaliland taasi oo ay dadku in badan qaylo dhaan ka samaynayaan dhinaca caafimaadka ah.