Muqdisho(Caynabo)-Wasiirka wasaarada warfaafinta dalka Somaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa waxaa uu sheegay in uu isagu shaqsi ahaan diyaar u yahay waxii Somaliland wax ugu hagaagayaan isla markaana uu raali ka yahay in uu ka hadho masuulyiita dalka Somaliya u mateelaya wada hadalada ay kula jirto Somaliland. Mr. Maareeye ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a wixii la odhan jiray midnimadii Somaliya.
Wasiirka oo ay wareysatey Shabakada wararka Caynaba News ayaa isga oo ugu horeyn ka hadlaya moqifkiisa wada hadalada Somaliland Iyo Somaliya waxaa uu yidhi
“Haddii aanu nahay dawlada Somaliya anagu waxaanu rabaa in ay wada hadaladii dib u bilowdaan sidoo kale aniga oo ku jiray ergada waxaan diyaar u ahay haddii ay Somaliland u roon tahay isla markaana uu qof kale u roon yahay wada hadalada in ay la fadhiistaan , anigu waxaan is lahaa dareenka badhkii ayaad Somaliland la qabtaaye diyaar ayaan u ahay in aan ka fadhiiso oo aan idhaahdo ha lagu daro dadka ay Somaliland doonayaan in ay is hor fadhiistaan.”
Sidoo kale Mr.Maareeye isaga oo hadalkiisi sii wata ayaa waxaa uu yidhi” Anigu shaqsi ahaan waxaan ogolahay waxii ay Somaliland wax ugu hagaagayaan ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliya Maxamed Xayir Maareeye, oo u waramay shabakadda Caynaba News.