“Anigu Muqdisho Maan Tagin Ee Waanigan Hargeysa Jooga”

0
592

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa beeniyay war ay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland shalay qortay oo sheegayay inuu tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya oo uu kulamo la yeeshay madaxweynaha Somaliya Mr. Farmaajo.

Mr. Duur, oo shalay shirjaraa’id ku qabatay Hargeysa, wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay warkaas, “Dhiig bax ayay ku tahay qaranka, cidda dhiig bixinaysana idinkaa garta qaadi doona.” ayuu yidhi Duur oo Hargeysa jooga, “Madasha aynu joogno iyo meesha aynu joogno ayaa marag ku filan ee inaan af Somali ku sharaxo uma baahna, madasha iyo maraga ayaa markhaati ugu filan ee waa beentii inaan idhaahdo uma baahna, garsoorkana shacabkaan u daynaynaa.” Mr. Duur, wuxuu warkaas uu daabacay wargeysku ku xidhiidhiyay xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Somaliland. “Waa kala dir loo gaysanayo bulshada Somaliland, Waa hal ku dhig uu hal hays ka dhigtay, hoggaanka KULMIYE oo isaga ayaa siyaasad iyo kala qaybin ka dhigtay oo hadalkan ku soo celceliya.” ayuu yidhi Duur oo Hargeysa joogaa.