Wasaaradda Duulista Oo Kulan La Yeelay Iibiyayaasha Tikidhada Diyaaradaha

0
588

Hargeysa(Geeska)-Wasaarada  Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyada Somaliland  iyada oo ka duulaysa wada shaqayanta ay la leedahay  Masuuliyiinta Xafiisyada iibiya tigidhada Diyaaradaha (Travel Agency) iyo la socodka adeega ay siiyaan Dadweynaha, ayey shalay kulan saacado qaatay isugu yeedhay dhamaan Masuuliyinta Xafiisyadaas.

Kulankan oo uu furay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar  C/laahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Duulimaadyada , Agaasimaha Waaxda Amniga Agaasimaha Waaxda Qorshayanta, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, iyo Masuuliyiinta Travel Agency-yada, waxaa lagaga wada hadlay sidii loo tayayan lahaa adeegyada ay bulshada u fuliyaan Xafiisyadaasi , iyo in ay wada shaqayan buuxda la yeeshaan Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka.
Waxa kale oo kulankan la iskula soo qaaday suurto gal nimada in uu yimaado xisaabtan, si loo helo Travel Agency buuxinaya baahiyaha bulshada, iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda Dadka Tigidhada goosanaya ee Muwaadiniinta iyo Ajaanibkaba ah, iyo sidoo kale in Travel Agency-yadu ay la dagaalamaan Tahriibka kana hortagaan.

Waxa iyana kulankan lagu gorfeeyay sidii Travel Agency-yadu gacan uga siin lahayeen Hay’adaha  Amniga Dawlada Shaqadooda, isla markaana ay uga hortagi lahaayeen tahriibka sharci darada ah .

Dhinacooda Travel Agency-yadu  waxay balan qaadeen inay si buuxda ula shaqayn doonaan wasaarada iyo dhamaan hayadaha amniga, isla markaana si wada jir ah loo horumarin lahaa adeega la siiyo dadwaynaha tigidhadha iibsanaya, wasaaraduna waxay balan qaaday inay ilaalin doonto xuquuqdooda ganacsi, isla markaana u sahli doonto wixii baahiya ee hadba ay ka cabanayaan tigidh iibiyayaashu.

Ugu dambayn kulankaasi wuxuu ku soo gabagaboobay is af garad guul, iyada oo loo balamay in xidhiidhka iyo wada shaqaynta Wasaardaa iyo Travel Agency –yadu uu noqdo mid joogto ah.