Abwaan Gaariye Oo Ka Warbixiyay Xaaladisa Caafimaad

1
846

 

abwaan-gaariyeHargeysa(Geeska)-Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, oo muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad u joogay dalka Norway, ayaa sheegay inay xaaladiisa caafimaad hadda soo raynayso, islamarkaana uu caafimaadkiisu isu soo bedelayo maalin maalin.

 

Abwaan Gaariye, oo isagoo jooga dalka Norway xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in maalintii uu ka tagay magaalada Hargeysa ay xaaladiisa caafimaad liidatay, balse markii uu gaadhay dalka Norway ee uu cisbitaal galay uu isbedel wanaagsani ku yimid caafimaadkiisa, “Illaahay ayaa mahad leh, waxaan wadanka ka tagay anigoo jilicsan oo waxaan gaadhay dalka Norway oo aan kala kulmay dhakhaatiir wanaagsan oo xanuunkaygii gacanta ku dhigay, maalin walbana waxbaa ii kordhaya, intii aan Hargeysa joogay maalin walba waxbaa iga dhacayay laakiin imika muddo bil ah maalin walba waxbaa ii kordhaya, cisbitaalkii waxaan ku jiray labaatan cisho, dawooyinkiina way ii socdaan.” Ayuu yidhi Abwaan Gaariye,

waxaanu intaas raaciyay oo uu u mahadceliyay guud ahaan dadka la xidhiidhey ee u duceeyay, “Guud ahaan waxaan Wargeyska Geeska Afrikamahadcelin u dirayaa dadkii tirada badnaa ee masaajiida iiga duceeyay, waxaanan u sheegayaa in Alle ka aqbalay oo uu caafimaadkaygu wanaagsanyahay.” Ayuu yidhi,

 

waxaanu si gaar ah u magacaabay saddex qof oo si wanaagsan ugu qaabilay dalka Norway, “Saddex qof oo Alle ka sokow badbaadadayda ka qayb qaatay ayaan u mahadcelinayaa oo dalkan Norway igu qaabilay waxaanay kala yihiin Xamse Bidhaan, Saleban Maxamed Yaasiin iyo Cali Siciid. Saddexdaas nin iyagaa I garab istaagay oo Alle ka sokow I badbaadiyay, ilaa haddana iyagaa gacanta igu haya waanan u mahadcelinayaa.”

Abwaan Gaariye, wuxuu tallo u soo gudbiyay umadda reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay ururada siyaasadda ee cusub ka ilaaliyaan qabyaalada, “Umadda waxaan leeyahay waa taas la idiin furay ururadii ee ururadaad furanaysaan qabyaaladda ka ilaaliya, ururo qabiil ma shaqaynayaan ee qabyaaladda ka ilaaliya ayaan farayaa umadda, waxaanan leeyahay nabadgelyadana ilaashada.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.

 

 

 

 

Comments are closed.