Ambassador Cawil Oo Ka Hadlay Saamaynta Somaliland Ee Aqoonsiga Maraykanka Ee Somaliya

1
863

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii maaliyada ee xukuumadii hore Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay sida uu u arko aqoonsiga ay dawladda Maraykanku u fidisay dawladda Somaliya iyo weliba saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland iyo qadiyadeeda.

Dawladda Maraykanka ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqday inay aqoonsatay dawladda Somaliya, ka dib 21 sannadood, waxaanay dad badan oo reer Somaliland ahi isweydiiyeen saamaynta uu aqoonsigaasi ku yeelan karo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Haddaba Md. Cawil, oo uu Wargeyska Geeska Afrika, shalay wax ka weydiiyay sida uu u arko aqoonsigaas iyo isbedelka uu ku keeni karo siyaasadii Maraykanka ee Somaliland, wuxuu sheegay inaanu aqoonsigaasi dhibaato ku keeni karin Somaliland, waxase uu ku taliyay in si mug leh loogu diyaar garoobo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo sannadkan galaya wejigii labaad.

Ugu horayn Cawil, oo ka jawaabaya sida uu u arko aqoonsigaas Maraykanka ee Somaliya, wuxuu yidhi “Horta icriaafka Maraykan ee Somaliya wax cusub maaha. Markii Sheekh Shariif la doortay waa tii uu kula kulmay Nayrobi Ms. Hillary Clinton, taasiba ictiraaf ayay iska ahayd, markaas ku dhawaaqistani waa iska magac oo mar hore ayay ictiraafsanayaanee. “

Isagoo ka hadlaya dhawaaqa Maraykanku ku sheegay inuu meesha ka saari doono siyaasadii uu kula macaamili jiray Somaliland iyo Somaliya ee loo yaqaano Dual track policy, wuxuu Cawil yidhi “Tan dual track policy-gana waxaan anigu u qabay inay Koonfur ku salaysnayd oo ay u badnayd, waayo wasiirul maaliya ayaan ahaa oo wax Maraykan ina siin jiray ma jirin, sirdoonka Somaliland xidhiidh ayuu la lahaa, isna waxba kamuu helin jirin, markaas siyaasadaasi mid inaga ina soo gaadhayba may ahayn.”

Mar la weydiyay saamaynta uu ictiraafkaas Maraykanka ee dawladda Somaliya ku yeelan karo Somaliland, wuxuu yidhi “Inaga qadiyadeenu mid qarsoon maaha, waa mid culus oo 20 sanno taagnayd, taariikhdeenana la ogyahay. Adduunku  wuu aqbalay inaynu wada hadalno, markii Ereteriya iyo Itoobiya wada hadlayeen 1991-kii; Maraykanku markiiba wuu ictiraafsanaa Itoobiya, waxaana socday wada hadaladii Ereteriya ay la lahayd Itoobiya, markay is afgarteen awaxba kamuu bedelin ee wuu ku taageeray.”

Cawil, wuxuu tallo ku soo jeediyay in si culus loogu diyaar garoobo wada hadalka la filayo inuu dib u furmo bisha May ee sannadkan, kaas oo dhex mari doona Somaliland iyo Somaliya,  “Inaga waxa weeye wada hadalkaas aynu la galayno inaynu si mug leh oo miisaan leh u wada hadalno oo walaaladeen wax badan way ogyihiinee  ku qancino inaanay jirin wax  kaga lumaayaa  laba dawladood, waa  inaynu wada hadaladaas inagu u diyaar garowno adduun weynahana la socodsiino oo aynu ku casuuno dawladaha dhexda inoo ah, wax kale oo inoo yaalaa ma jirto, dawladaas Somaliya laga dhisay haddii Maraykan ictiraaf iyo haddii kaleba inooma taalo, waxa inoo taala qaddiyadeena inaynu ku qaicino walaaladeen. Ta inoo taalaa waa aynu u diyaar garowno wada hadaladaas.”

Cawil, ugu dambayn wuxuu sheegay inuu Maraykanku mar walba diiradda ku hayay Somaliya oo uu u arkayay meel hoy u ah argagixisada, taas darteedna uu wakhtigana doonayo inuu aqoonsigaas ku dhiirigeliyo dawladda Somaliya ee wakhtigan.  “Anigu waxaan qabaa mar walba mawqifkii ay Somaliland ka qabeen way ogaayeen nabadda iyo dawladnimada iyo doorashooyinkeena, mar walba iyagu Somaliyadaas ay ka baqayaan in argagixisadu ay saldhig ka dhigato  oo mar walba waxay qabeen in Somaliland  aanay khatarni kaga iman karin, laakiin koonfur ayay ka baqayeen, dawladaha adduunkuna meelaha ay ka baqayaan ayay inta badan culayska saaraan, markaas waa taas tay mar walba u danaynayeen Somaliya, qodobka uu aqoonsiga ugu dhawaaqayna  waxa weeye dhiirigelin, waa wax gaar ah oo la xidhiidha xaasaasiyada uu ka qabo argagixisadaas.”

Comments are closed.