Qaybta 2aad Ee Waraysigii Cabdillaahi-Jawaan

1
689

 

jawaan_2Waxa wargayska Geeska Afrika uu halkan idiinku soo gubinayaa qaybtii labaad ee waraysiga aanu la yeelanay Siyaasiga caanka ah ee Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan), oo qaybtiisii hore aanu diinku soo gubinay cadadkayagii shalay. Cabdillaahi-Jawaan, wuxuu ahaa guddoomiyaha guddigii u horaysay ee doorashada. Qaybta labaadna waxay u dhacday sidan:

Ugu danbaynta Cabdilaahi maxaad dardaaran aad ugu soo jeedin lahayd umadda reer Somaliland iyada oo wakhtigan wali lagu sii jiro xanaftii doorashada?

Urardii kale ee wadanka ka tartamay runtii tanaasul ayay bixiyeen ururkii Xaqsoor ayaa yidhi anigi waan jirayaa markaas waxaan gaar ula hadli lahaa taageerayaashisii. Waxa jirtay cabshooyin badan iyo dad dhimasho iyo dhaawacba yeeshay oo xabad la’la dhacay, runtiina xukuumadu sida meelaha kale ee wax ay ka dhaceenba ay xooga u saaray ee ay qadarinta u siisay dadki xaqsoor taageerayay sidaas xukuumadu umay qaabilin ama miisaankaas maysiin.

Waxaan arkayay Saylac oo golal la dhigay oo wasiirkii arimaha gudaha iyo waxbashaduba ay la joogaan, mawradii madaxweynaha wasiiro csibitaalka ugu tagay dhaawacyadoodii, Boorama ayaan arkaayay oo xukuumad wasiiradeeda madaxweyne ku xigeenka iyoguurtiba loo diray, xaafadan Axmed Dhagax ee xuduntii Hargaysa ah, ee halkii SNM xaruntii ay jiiftay ka soo jeeda iyo garoonkaas ay hubkadhacistii Somaliland ee ugu horaysay ay ka dhacday ee ku yaala isaguna xaafada Axmed Dhagax.

Waxa maanta la yidhi garoonkii ciyaaraha lagu qaban maayo oo qadarin nalama siin, inaan qadarin la siina aniguna waan la qabaa in madaxweynaha iyo ku xigeenkuba ay dhaawaca u taagaan ayay ahayd  oo sida meelaha kale xooga loogu tagay loogu tago, waxaanan leeyahay dadka garawshiyo ayaa deeqa, madaxweynahu waxa uu yidhi nabad galyada ayaan gacan bir ah ku qabnayaa aniguna waxaan idhi cadaalada gacan bir ah ku qabo markaas nabad galyo daro dhacimayso, aniga oo qadarin weyn u haya madaxweynaha oo uu yahay nin dalka iyo dalalka geeska Afrikaba qadarin weyn ku leh, waan saxayaa uun oo waxan leeyahay waligeed bay Somali is dili jirtay oo waxa la odhan jiray meesha dhiig ku daato xabaa lagu bururiyaa, markaas maanta dawlad ayaynu noqonay oo waxa godab reeb ah dugsigaas la dhisaayo, Axmadaw  xaafada Axmed Dhagax xaruntoodu waa Baligubadle ee maanta dugsi Boodhin ah dhagaxa u dhig, waxbaan idiin qabnayaa dheh oo wadada ka caawi, waxay ka qaawan yahiin  ee ay qayrkood kaga hadheen  ayagoo halkii halganku ka soo bilaabmay ah ka caawi, waxaan leeyahay cadhada halaga biiyo.

Waxa aan dhanka kale la hadlayaa dadka daga Axmed Dhagax oo uu ugu horeeyo Suldaan Cumar  Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Cumaroow waxaan ku leeyahy aaba haa jabhadii dalkan xoraysay ee SNM suldaankeediibuu ahaa, markii Somaliland la dhisaayay ee Cigaal cagaha u taagayayna ninkii koowaad  ee cadagaha ula taagay buu ahaa, adiga iyo dadka aad hogaaminsaan garoonka aad maanta leedahiin lagu ciyaari maayo waa kii aabahaa uu ku wareejiyay guutadii ugu horaysay iyo hub ka dhigistii, ee ay dadkii kalena ku daydeen ee uu ciidanka qadanku ku dhismay, taariikhdana lama ilaawo.

Markaas Suldaan Cumar waxaan leeyahay aabahaa Suldaan Maxamed Wadadii aabahaa  jeexay cadho yaanay kaa duwin, adiguna ciyaaraha u ogalaw dhalinyarada Somaliland inay garoonkii timaado, dhalinyaradun dad idinkamay layn, dawladna ma hogaamiso, waa dhalinyaradii dalka oo waa madaxdii baritoole,  markaas in godab la gashado oo la yidhaahdo Axmed Dhagax ayaa idiin diiday wadankii ama waa ay falaagoobeen  wax meesha qabata maaha, gartaada naqso ciyaarahana u ogalaada oo Somalilandna ogalaada, waxaad tahiin curadkii iyo hooyadii Somaliland ee bud dhiga u dhigay dalka imikana,  Suldaan Cumar,Suldaadiinta kale, Siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee kaleba waxaan leeyahay waxaad tabanysaan dajiya.

Aamina iyo hablahii kale ee ka garab hadlaayay waxaan leeyahay adeerayaal arinta salka u dhiga oo waxii dhacaba waa laga heshiiyaa, heshiis halaga qaato, qof qaata waxaan qaban ayaa gobonimo leh, ee qofka qaata waxii gar loogu leeyahy qasab ayay ku tahay, waxaanan leeyahy dawladu waa teenii oo inagaa dhisnay garoonkuna  waa keenii oo Somaliland ayaa loo dhisay, dadka dakhliga ka helaaya garoonka dadka imanayaana waa Reer Axmed dhagax oo iyaga ayaa marti loo yahay, markaas ninkii martida loo ahaayoow ha dudin, marnaba ha dudina oo idinku xerada haka baxina.

Comments are closed.