Alzheimer: Cudurka Unugyada Maskaxda Dila, Calaamadihiisa, Ka Hortaggiisa Iyo La Tacaalistiisa (Q:1)

0
601

1Hargeysa (Geeska Afrika)- Cudurka xusuusta iyo guud ahaan unugyada maskaxda dila ee loo yaaanno Alzheimer’s disease khubarada caafimaadkuna aalaa u soo gaabsadaan labada xaraf ee ugu horreeya labada qaybood ee magaciisa oo ah AD, waa cudur hawlgab ka dhiga shaqada maskaxda oo si tartiib-tartiib ah u dila unug-neerfeedyada maskaxda. Qormadan oo ay faafisay shabakadda Al-Jazeera, Geeska Afrikaa afsoomaali u rogay si uu akhristayaasha uga dhigo wacyi-gelin iyo in la fahmo cudurkan.

Xogo dheeraad ah:

– Tirada dadka qaba cudurka Alzheimer ee dunida oo dhan waa 44 Milyan oo ruux sida lagu ogaaday tirokoob la sameeyey sannadkii 2015ka.

– Inta badan cudurkani  waxa uu ku dhacaa marka ay da’da qofku kor u dhaafto 65 sano. Laakiin muddooyinkii u dambeeyey waxaa meelo kala duwan laga sheegay in cudurkani uu ku dhacay dad da’daas ka yar.

– Sida tirokoobyada ay Aljazeera baahisay xuseen, haddii cudurkan khatarta ah ee Alzheimer uu korodhkiisu ku socdo sida uu hadda yahay, waxaa la saadaalinayaa in sannadka 2050 ay tirada dadka cudurka qaba ee dunidak  u dhaqani gaadhi doonto 135  Milyan oo ruux.

Fahamka Cudurkan:

– Isbedello ku dhaca maskaxda, kuwaas oo inta badan bilowda toban sano ama ka badan, ka hor inta aan qofka si fiican looga garan in uu hayo.

– Waxa uu ku bilowdaa guntimo aan dabiici ahayn oo uu sameeyo barootiin lagu magacaabo beta amyloid, iyo gan ka kooban baooitiin ka Tau ee maskaxda.

– Guntimahaas iyo barootiinnadaas isku ururay ee aan dabiiciga ahayn waxa ay hoos u dhac ku keenaan shaqadii ugunyo-neerfeedyada maskaxda.

– Muddo marka xaalku sidaas ahaatana waxaa bilaabata in unugyadani ay waayaan awooddii ay ku xidhiidhi lahaayeen iyo awooddoodii shaqo labadaba.

– Ugu dambayntana unnugyadaasi waa ay dhintaan.

– Marka unugyadaas dhintay ay bataanna waxaa gudhis iyo yaraan bilaaba maskaxda.

Calaamadaha:

– Illow.

– Ereyada iyo su’aalaha oo uu qofku ku celceliyo. (Isla su’aashii ama hadalkii uu yidhi oo uu marar kale ku celiyo)

– Xulashada ereyada uu ku hadlayo oo ku adkaata.

– goobaha iyo deegaannada uu yaqaanno oo uu illaawo ama iskaga qaldama. Sida in uu garan waayo meel uu hore aad ugu yaqaannay iwm.

– Hadalka iyo qoraalka oo qofka ku adkaada.

– Fikirka oo qofku uu dhibaato kala kulmo.

– Qulub iyo niyad xumo iyo murugo nafsiya.

– Is-moodsiis iyo in maskaxdu wan aan jirin iska malo-awaalato.