Al-Shabaab Oo Ka Baxday Magaalada Baraawe Oo Fadhiisin U Ahayd

0
434

Picture3Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay ka baxeen magaalada xeebta ee Baraawe ee Somalia iyadoo ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda Somaliya aanay weli gaadhin.

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC u sheegay in Al-Shabaab ay sidoo kale qalabkoodii kala baxeen halkaas.

Ciidammada AMISOM ayaa maalin ka hor qabsaday magaalada Cadale, oo 60km u jirta Baraawe. Haatan waxaa la sheegayaa inay 20km u jiraan Baraawe.

Baraawe ayaa in mudo ah u ahayd al-Shabaab fadhiisinka ugu weyn Koonfurta Soomaaliya tan iyo markii laga saaray magaalooyinka kale ee muhiimka ah.

Ciidamada AMISOM iyo Dowladda oo taageero kale ka helaaya Ciidamo ajnabi ah oo uu ku jiro Maraykanka ayaa in mudo ah qorsheynayay qabashada magaalo xeebeedka.

Ururka Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, balse waxay weli ka taliyaan dhul ballaadhan oo ku yaalla koonfurta iyo badhtamaha dalkaasi Somaliya.