Akhri, Oo Ha Qoslin: Minyaradu Way Xanuun Badan Tahay, Xataa Haddii Ay Haan Tahay

0
981

Hargeysa (Geeska)- Sheeko baraley hore ayaa sheegta in uu jiri jiray nin muddo dheer qabay gabadh uu aad u jecel yahay balse aan wax ubad ah u dhalin. Maalin maalmaha kam id ah ayaa ay xaaskiisani kula talisay in uu guursado xaas kale si uu carruur u dhalo. Ninkani waxa uu xaaskiisan u sheegay in haddii uu guursado gabadh labaad ay suurogal tahay in hadhaw uu soo dhex galo khilaaf iyo muran ka dhasha hinaase xaggeeda ah, isaguna aanu doonayn buuq qoys iyo in uu iyada oo uu jecel yahay ka cadhaysiiyo. Laakiin gabadhii oo dareensanayd baahida uu saygeedu ubad u qabo iyo in sababta dhalma la’aantu xageeda tahay ayaa ku qancisay in gabadha labaad ee uu guursado ay soo dhoweyn doonto aadna u daryeelo doonto.

Ninkii oo doonaya in uu tijaabiyo illaa xadka ay xaaskiisu u samri karto in uu gabadh labaad guursado ayaa u sheegay in uu waafaqay dalabkeedii, maadaama oo uu jecel yahay in uu soo guursado gabadh aan deegaankan ahayna uu u safri doono magaalo kale oo uu gabadh ka soo gurusado. Waa baadiye dhulku, muddo kadib ayaanu ninkii soo noqday isaga oo awr ku soo rartay haan weyn oo uu u u ekkeysiiyey gabadh, una soo xidhay dhar dumar. Guri uu hore ugu sii qurxiyey gabadha labaad ayaanu haantii ku xareeyey, isaga oo xaaskiisa ugu sheegay in uu soo guursaday inan yar oo uu doonayo in muddo aanay guriga ka soo bixin, gabadh uu lacag ku siinayo oo shaqaale ah ayaanu u keenay in ay daryeesho.  Ninkii waxa uu xaaskiisa minweynada noqotay ku yidhi, "Waan fuliyey taladaadii waxa aan soo guursaday gabadh labaad” Aadna waa uu ugu mahadnaqay, isaga oo weliba u sheegay in uu xaaskiisa minyarada ah ku ballamiyey in ay xaaskiisan hore ixtiraamto, kana dambayso, waxase uu ka codsaday inta hore in aanay guriga ka soo bixi doonin iyaduna aanay u gelin.

Maalintii labaad ayaa uu ninkii sidii caadiga ahayd xagga tuulaha u tegey hawlo reerku leeyahay, dabcan guriga waxa uu kaga tegey haantii uu ka dhigayey minyarada, buulka ku xigana waxaa ku jirta xaaskiisii hore. Markii uu ninkii tuuladii ka soo noqday goor galab ah, waxa uu u yimi xaaskiisii hore oo si aad ah u murugaysan, indhaheedana ilmadu casaysay. Isaga oo naxsan ayaa uu aamusiiyey, waxaanu weydiiyey waxa dhacay. Xaaskiisii hore waxa ay ugu jawaabtay, "Maanta oo dhan intii aad shaqada ku maqnayd minyaradaada ayaa i caayeysay, wax kasta oo xun oo afkeeda ay soo marin kartana waa ay igu tidhi, waxa aan kuu sheegayaa in gardarradaa aanan u sii adkaysan Karin" Ninkii oo yaabban ayaa inta uu gacanta qabtay xaaskiisan u sheegay in aanu ka raalli ahayn cid dhib u geysata haddana ay indhaheeda ku aragto waxa uu ku sameeyo minyarada. Ushii inta uu isla kala jiiday ayuu ku dhuftay haantii oo markiiba maradii ka dhacday soona baxday xaqiiqada ah in ay haan tahay. Gabadhii inta ay isku naxday ayey ku tidhi ninkeedii, "Ninkaygiiyow waxba ha igu canaanan, minyaradu waa ay xanuun badan tahay, xataa haddii ay haan tahay"