Hargeysa (Geeska)- Waxaa jiri jiray nin aad u faan badan oo aad wax uga sheega ragga la tashada dumarkooda ama qaata afkaarta dumarkooda. Waxa uu ku faani jiray in marka uu gurigiisa joogo uu isagu leeyahay ereyga u dambeeya (Go’aanka aanay cidi ka daba odhan). Waxa la yidhi maalintii dambe ayaa nin ay deris ahaayeen uu dhegaystay ninkii faanka badnaa oo gurigiisa jooga.
Waxa uu maqlay ninkii oo xaaskiisu ay u arrimanayso, iyadii oo faraysa amarro badan oo uu isna dhego jalaqsan ku dhagaysanayo. Markii golihii kaftan la isugu yimi ayaa ninkii ku yidhi, “Waar hebel… Saw adigii lahaa marka aan gurigayga joogo aniga ayaa ereyga u dambeeya leh, mar aan maanta ku dhegaystay waxa aan maqlayay iyada oo xaaskaagu ay amarro kuu yeedhinayso, adna aanad erey keliya ku soo celinayn. Ninkii faanka badnaa ayaa yidhi, “Oo miyaanad maqlayn ereygaygii ugu dambeeyay ee hadalka soo xidhay in aan anigu lahaa” Ninkii wax dhegaystay oo isagu aan ereygaas maqlayn ama haddii uu maqlayna aan u arkay wax qiimo leh ayaa yidhi, “Maya ee maxaa aad ku tidhi”. Ninkii faanka badnaa waxa uu ku jawaabay, “Waxa aan ku idhi, Qabuul (waayahay) kaas ayaanu ahaa ereygii u dambeeyay” waxa aanu xasuusiyey in isagu waxa uu ku odhan jiray marka ay golaha joogaan uu ahaa uun in aanay afadiisu ereyga kaga dambayn ee uu isagu ereyga ugu dambeeya leeyahay, laakiin raggii golaha joogay ay u qaateen in uu isagu amarka u dambeeya leeyahay.