Akaadamiyada Nabada Oo Soo Bandhigtay Xog-ururin Ay Ka Sameeyeen Labada Diiwaangelintood

0
902

Picture1Hargeysa(Geeska):-Akaadamiyada Nabada iyo Horu-marka Somaliland ayaa soo bandhigtay xog-ururin balaadhan oo ku saabsan Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ee dhawaan ay Xukuumada dalka laga fulin doono oo ay ka soo sameeyeen Lixda Gobal ee Somaliland.

Xog-ururintan oo Akaadamiyada Nabada iyo Horu-marka Somaliland ay soo bandhigtay ayaa ahaa mid ay diirada ku saaraysay sida ay shacabka reer Somaliland ay kula fahamsan yihiin Labadan Diiwaan-gelinood iyo Aragtiyaha ay dadku ka kala qabaan Doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka Somaliland,ayaa shalay lagu soo bandhigay Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan balaadhan oo loo sameeyey soo bandhigida Xog-ururintan ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Akaadamiyada Nabada Iyo Horumarka Somaliland Md:Maxamed Faarax Xirsi,Masuuliyiin sar-sare oo ka socday Axsaabta Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID,Ardayda wax ka barata Jaamacadaha dalka iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha Akaadamiyada Nabada Iyo Horu-marka Somaliland Md:Maxamed Faarax Xirsi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey u jeedada ay ka leeyihiin Xog-ururintan,waxaana uu sheegay in maadaama ay Doorashooyin badan ku soo fool leeyihiin dalka ay muhiim tahay in la helo fikirka dhabta ah ee ay shacabku ay ka aragti ahaan ka qabaan Doorashooyinka iyo qaabka loo soo kala horey siinaayo,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay daraasadan ku soo ogaadeen in aan shabiga reer Somaliland faham badan ka haysan Faraqa u dhaxeeya Diiwaan-gelinaha Madaniga ah iyo Codbixiyeyaasha.

"Akaadamiyada Nabada iyo Horumarka dalku maanta(shalay) waxaa ay halkan ay ku soo bandhigtay,rayi ururin aanu ka samaynay Lixda Gobal,oo runtii ku saabsan sida ay dadku u kala fahamsan yihiin Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Diiwaan-geinta Codbixiyeyaasha,Doorashooyinka soo socda sida ay u arkaan,sida ay dadku u arkaan doorashada baarlamaanka,sida ay dadku u arkaan doorashada Madaxtooyada ee ay runtii dadku u arkaan Doorashooyinkaas oo dhanba,markaa runtii rayi ururin ayaanu samaynay aad u balaadhan oo aanu dalka oo dhan aanu ka samaynay tiibaanan maanta aanu halkan ku soo bandhignay oo uu nuxurkeedu ahaana mar hadii ay hawlo badan jiraan bal in la ogaado Afkaarta dadka taas ayaanan u samaynay oo u jeedkayagu ahaa oo aanu afkaarta dadka aanu dhagaysano,la wadaagno bal dadku waxa ay doonayaan ee ay iyagu ay qabaan dadkii hogaaminaayey ee go'aanka lahaa haday Axsaab,Dawlad noqotaba iyo cidkasta oo Baarlamaanba leh,markaa in dadkii waxa ay aamin sanaayeen iyo waxa ay dareemayeen iyo kuwa go'aanka gaadhayey bal in aanu isku xidhno ayaa uu u jeedkayagu ahaa”Ayuu yidh Md:Maxamed Faarax Xirsi

Masuuliyiin ka kala socotay Axsaabta Mucaaradka ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo iyaguna dhankooda halkaasi ka hadlay ayaa iyaguna dhankooda aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay in la helo Xog-ururin ama rayiga dadku ay ka qabaan Doorashooyinka Somaliland,waxaana ay gabi ahaanba tilmaameen in ay si aada u soo dhaweynayaan qaabkii loo maray soo ururinta Xogta ee ay soo bandhigtay Akaadamiyada Nabada iyo Horu-marka Somaliland.

Ugu danbeyntiina waxaa halkaasi ay dadkii ka soo qayb galay su’aalo la xidhiidha Xog-uririnta ay wax ka weydiiyeen Akaadamiyada Nabada iyo Horu-marka Somaliland,waxaana halkaasi ay Masuuliyiinta Akaadamiyada Nabadu iyo Horu-marka Somaliland ay si faah faahsan uga jawaabeen dhamaanba waxii su’aalo ahaa ee halkaasi lagu waydiiyey.