Wasiiro Ka Hadlay Safarkii Ay Salaadiinta Galbeedka Burco Ku Booqdeen Dhiggooda Awdal

0
598

Picture2Borama(Geeska)-Waxa shalay magaalada Borama shir Jaraaid ku qabtay Wasiirada Wasaardaha Boosaha Iyo Isgaadhsiinta, Beeraha iyo Xidhiidhka Golayaasha Md. Cali Xaamud Jibriil iyo Md. Maxamed Jaamac Abgaal, waxaanay ka hadleen safarkii ay dhawaan salaadiinta beelaha habaryoonis ku tageen gobalka Awdal iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin saamiqaybsiga.

Ugu horayn ayaa Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Md. Cali Xaamud Jibriil oo halkaasi ka hadlay waxa uu dhaluul dusha uga riday xisbiga Wadani, isaga oo sidoo kale naqdiyay Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha Galbeedka Burco safar ay dhawaan ku yimaadeen Magaalda Boorama waxana uu yidhi “Safarkii ay dhawaan ku yimaadeen Madaxdhaqameedka Beelaha Burco Magaalada Boorama waxa uu ahaa safar aan wanaagsanayn oo ujeedadiisii dhaqanka ahayd la majaro habaabiyay, waxa uu ahaa safar uu xisbiga Wadani uga gol lahaa inuu xiisad ku abuuro dadka dhexdoodana ku galiyo arimo aan wanaagsanayn, odayaashu markii ay Boorama yimaadeen waxa ay ku hadleen inay xulafo iyo aayo ka tashi u socdaan, iyaga oo aan carabka kala xishoon inay beel ka socdaan, waxana aan leeyahay looma baahnayn sidaasi, hadii beel meesha soctay ama aad u socoteen waxa ay ahayd inaan soo kaxaysataan kuwa kale ee beelaha Galbeedka Burco ka tirsan ee xukuumada nagula jira, haybta guudna aad wadaagtaan”

Wasiir Cali Xaamud Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Mar hadii aanay Beesha Galbeedka Burco arki Karin beesha Bariga Burco ee ay ood waadaagta yihiin u malayn mayo inay beelaha Galbeedka Dalka amiyad u leeyihiin, waxana aan leeyahay odayaashaas dhaqanka oo ah kuwo xusmad iga mudan, Boorama iyo meel walba oo dalka ah waad iman kartaan, balse la taga inaan umada isku soo dhawaysaan oo aad midnimada ka shaqaysaan oo aad hore u talaabsataan”

Sidoo kale Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo isaguna hadalka qaatay ayaa dul istaagay arinta saamiga beelaha Galbeedka waxana uu ka dhawaajiyay in Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Galbeedka iyo Xukuumadu ay isla haystaan isku dhinacna u jeedaan waxana uu yidhi “Odayaashii karaamada iyo xusmada lahaa ee saamiga ay xaqa u leeyihiin doonistiisa ugu tagay madaxwaynaha ayaa waxa la moodaa in la siyaasadaynayo oo kooxo labo ah oo aan danta beelaha galbeedka ka shaqaynayn ay si u wareejinayaan war aanan loo baahnayan waxana aan leeyahay beelaha salaadiinta horkacda iyo anaga oo ah wasiiradii xukuumada kaga jiray waan isla haysataan oo dhinac ayaan u wada jeednaa, Madaxwaynuhuna odayaasha si xushmad leh ayuu u qaabilay oo arintii ay xaqa u lahaayeen ee ay u socdeen meel wanaagsan ayay maraysaa, markaa kooxda xil doonka ah ee leh, odayaasha lama xushmayn oo waa loo jawaabi la’yahay waxa aan leeyahay arinta ay odayaashu wateen ma ahayn mid madaxwaynaha jeebkiisa sidii shilimada laga soo saarayay, waxa ay ahayd mid ururray oo labaatan jirsatay, Madaxwaynuhuna waxa uu u saaray Gudi aan ku jirno, waxana ay gorfaynteedu maraysaa meel wanaagsan ee hadii ay idinka odayada arintoodu idinla fududahay, anaga way nagu wayn tahay, waanan is fahan sanahay oo odayaasha waan ku ixtiraamaynaa dhaqanka iyo hawsha ay hayaan, sidoo kale ayayna anagna noogu ixtiraamayaan hawsha aan hayno, sidoo kalena kooxaha Saxafada waxa aan loo baahnayan odayada arinteeda ku qora ama isku waydaarsada waxa aan leeyahay waxa loo baahan yahay inaad arinta hoos u eegtaan oo aad salka u dhigtaan oo aad waxa aad qoraysaan ama ku hadaaqaysaan aaad ka fiirsataan, xusmada iyo karaamada odayaasha iyo beelaha ay xilsideenka u yihiina aad ku karaamaysaan”

 Wasiirka Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Goodoole oo isaguna hadalka qaatay ayaa waxa uu xukuumada ka fogeeyay eedo ku aadan Saamiga oo ka soo yeedhay Golaha Wadatashiga Waxana uu yidhi “Waxa haboon in ninka wayn ee saxaafada soo hor fadhiisanaya ee afka kala qaadaya ay ka fiirsadaan hadalka ay odhanayaan oo ah mid malaayiin qof ay daawanayaan ama maqlayaan, waxa ay yidhaaheen gudidii Madaxwaynuhu u saaray tabashada beelaha Galbeedku wali kulan ma yeelan,arintaas waxba kama jiraan, ugu yaaan 6 goor ayay gudidaasi kulantay oo ay arintaas falanqaysay, madaxwaynuhuna waa ogyahay, anaguna waxa aan odayaasha hortooda ka sheegnay maantana ku celinaynaa in odayaashu xaq ay u leeyihiin inay arinta dadkooda cid walba oo ay talo ka go’do kala hadlaan, markaa ragga waawayn ee golaha is magacaabay ku jira waxa aan uga digaynaa inay wax aan ka jirin gobolada galbeedka dalka sheegaan, sidoo kalena ay dadka walaaha ah ee galbeedka dalka ku nool ay arintooda oo meel wanaagsan maraysa ay marmarsiiyo aan meelna jirin u sameeyaan