Agaasime Wax-Soo-Saarka Shirkaddiisa U Xayeysiiyey Hab Dadka Badankooda Ka Yaabiyey

0
635

Picture10Ottawa (Geeska)-  Sooma ururin karno faa’idooyinka xayeysiisku u leeyahay ganacsiga iyo kaalinta uu kaga jiro guushiisa, laakiin qormadan kooban waxa uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa nin agaasime ka ah shirkad oo isaga oo ka duulaya muhiimaddaas aynu xayeysiiska ku sheegnay wax-soo-saarka shirkaddiisa u sameeyey xayeysiis dad badan ka yaabiyey, ama noqday maaday iyo arrin doodo xiiso badan ka dhex abuurta bulshada.

Laakiin ninka sawirkan aynu ka arkayno waxaa ka muuqata sida uu diyaarka ugu yahay inuu khatar kasta ugu badheedho xayeysiiska wax-soo-saarkiisa. Waa Ravi Dalchand oo ah agaasime farac ka ah shirkadda weyn ee Bissell oo laga leeyahay dalka Canada, waxa uu yimi rug laga raaco tareennada dhulka hoostiisa mara, kadib qayb ka mid ah dhulka oo sida la garan karo aad u uskag badan, maadaama oo cagta maraysaa ay badan tahay ayaa uu ku nadiifiyey mafiiq ka mid ah aaladaha ay shirkaddiisu soo saarto, kadib dhulkii uu nadiifiyey ayaa uu ku shubay makaroono bisil oo qoyan oo uu sitay, waxa aanu bilaabay in uu si kalsooni leh u cuno. Ravi Dalchand waxa uu sidan u sameynayey keliya si uu dadka u tuso in aaladda shirkaddiisu samaysaa ay meel kasta oo uskag ah si fiican u nadiifinayso illaa heer wax lagu cuni karo.

Dadkii goobta marayey iyo kuwii tareennada kale sugayey oo aad u yaabban ayaa ku soo ururay halkii uu jilbaha dhigtay agaasime Ravi iyaga oo la yaabban waxa ay arkayaan, laakiin yaabkoodu waxa uu sii laba-jibbaarmay markii Ravi inta uu la soo baxay gobol yar oo roodhi ah uu sida bilaydha ugu murdiyey kajabtii iyo qoyaankii makaroonaha uu cunay kaga tegey dhulka.