Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha Oo Ka Waramay Socdaal Ay Ku Tageen Wadanka Djibouti

0
575

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa dalka dib ugu soo laabtay kana war-bixiyey safar shaqo oo ay ku tageen dalka Jabuuti, kaasi oo uu safarkooda hogaaminayay wasiirka wasaaradda Md. Cabdilaahi Faarah Maydhane.

1

Agaasimaha guud oo sidoo kale safarkiisan uu ku weheliyay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Koleyga Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdilaahi (Qodax), ayaa war-baahinta ugu waramey garoonka diyaaradaha ee Cigaal, waxaana uu ugu horeyn ka war-bixiyey ujeedada safarkooda “Waxaan safar ugu baxnay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda, anniga iyo guddoomiyaha xidhiidhka kubadda koleygu, waxaanu maqnayn muddo toddobaad ah ujeedada safarkayaguna wuxuu ahaa arrin ku saabsan kor u qaadista xidhiidhka labada dal ee dhanka ciyaaraha kala duwan” ayuu yidhi.

Agaasime Dhabeeye ayaa xusay intii ay dalka Jabuuti ay joogeen ay la kulmeen xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha dalka Jabuuti iyo sidoo kale dhallinyaro, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaanu la kulanay intii aanu halkaas ku sugneyn xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha dalka Jabuuti. Xidhiidhka kubadda cagta oo aanu kulan la qaadanay madaxdiisa, xidhiidhka ciyaaraha fudud oo iyagana aanu la kulanay, waxaa kale oo aanu la kulanay xidhiidhka kubadda koleyga, waxaa kale oo aanu arragnay dhallinyaro kala duwan iyo ururo, waxaa sidoo kale aanu la kulanay naadiyada kala duwan ee ciyaaraha, ganacsato, dad kale oo muxtarifa oo dadka reer Jabuuti ka mid ah iyo ajaaniba ah”.

Dhanka kale waxa uu sheegay wixii uga qabsoomay safarkooda iyo inay xidhiidhada ciyaaraha Jabuuti ay kala hadleen inay Somaliland kala hawl-galaan sidii ay ula xidhiidhi lahaayeen xidhiidhada kala duwan ee caalamka iyo sidoo kale inay koox kubadda cagta dalka Jabuuti ay Somaliland ku casuumeen “Waxaa ka mid ah waxyaabihii aanu soo qabanay inaanu soo casuuno kooxda Ilaaladda Jamhuuriga ee ku ciyaarta ciidanka Madaxtooyada Jabuuti, oo Somaliland iman doona haddii Alle Idmo, ujeedada aanu u casuunayna waxay tahay inay ka soo qeyb-galaan ciyaar furitaan ah oo saaxiibtinimo oo dhex mari doonta kooxaha kubadda cagta Somaliland qaar ka mid ah oo garoonka Hargeysa Stadium aanu rabno inaanu ku furno, intaan ciyaaraha gobolladu bilaabmin. Waxaa kale oo shaqooyinka noo qabsoomay ka mid ahaa inaanu xidhiidhada aanu kulanay ka wada hadalnay sidii loo dhisi lahaa xidhiidhadeena kala duwan, ee arrimaha farsamada iyo agabkaba looga caawin lahaa oo ay ka mid yihiin tababarada iyo qalabka kala duwan ee ciyaaraha iyo sidii xidhiidhada Somaliland ay fursad ugu heli lahaayeen inay la xidhiidhaan xidhiidhada ciyaaraha ee adduunka, waxayna noo ballan-qaadeen inay naga caawin doonaan sidii Somaliland ay ula kulmi lahayd xidhiidhada kale iyo ururada ciyaaraha ee qaaradaha iyo caalamiga ah” ayuu yidhi.

Waxaa kale oo Agaasimaha guud uu sheegay in qeybtii labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ay qaban doonaan, dhawaana ay shaacin doonaan wakhtiga uu qabsoomayo sidoo kalena ay daba socdaan horyaalada kala duwan ee kubadda cagta, tartamo orodka ah waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Qeybtii labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada sida ugu macquulsan ayaanu u qaban doonaa, dhawaana waanu shaacin doona xilliga uu qabsoomayo. Sannadkani wuxuu noqon doona mid nagu weyn oo waxaanu qorsheynay inaanu qabano tartamo baddan oo kala duwan. Horyaalkii kubadda cagta heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad, tartamo orodo iyo kubadda koleygaba ah. Waxaanan rajaynayaa Insha Allah siduu qorshahayagu yahay inuu ilaahay nagu guuleeyo”.

Ugu dambeyntii wuxuu Agaasime Dhabeeye uu ka mahad-celiyay sidii loogu soo dhaweeyay wadanka Jabuuti “Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay sidaa guusha ah ee safarkayagaasi noogu soo dhamaaday, waxaanu aad iyo aad ugu mahad-celinaynaa xidhiidhada kala duwan, naadiyadii iyo dhallinyarada reer Jabuti ee sida qiimaha leh noo soo dhaweysay ee kalgacalka iyo walaaltinimadu ka muuqay”.