“Ardaydeena Iyo Muwaadiniiteena Shiinaha Ku Sugan, Waxaan Kula Talinayaa Inay Aad Uga Taxadiraan Xanuunkan Ka Dilaacay,Ee Dadka Badani U Dhinteen”
“ Ahaan Waxaa Naga Go’an In Aanu Xooga Saarno Waxbarashada Farsamada Gacanta Iyo Waxbarashada Miyiga”
Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed, ayaa sheegay inay awooda saarayaan sidii horumarka Waxbarashada dalka, gaar ahaan Waxbarashada Miyiga iyo Farsamada Gacanta, isagoo xusay inay xadhiga ka jareen si rasmiyana u fureen Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco .
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Ardayda iyo Shacabka reer Somaliand ee jooga Shiinaha, waxaanu ugu baaqay inay aad uga taxadiraan cudurka dalkaas ka dilaacay, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaanu furnay oo aanu si rasmiya xadhiga uga jarnay Dugsigii Farsamada Gacanta ee Burco, oo lagu baranayo qaybaha kala duwan ee Farsamada Gacanta, Dugisgana wuxuu qayb libaax leh ka qaadanayaa horumarka waxbarashada dalka, iyo waliba shaqo abuurka Dhalinyarada, maxaa yeelay qof kasta oo xirfad leh ama ka soo baxa farsamada gacanta, waxaa xaqiiqo ah in aanu waayeen shaqo uu xiradiisa iyo farsamadiisa uu uga fa’iidaysto, ta kale Wasaarad ahaan waxaa naga go’an in aanu xooga saarno waxbarashada farsamada gacanta iyo waxbarashada miyiga, sababtoo ah inay wax bartaan caruurteena iyo dadkeena reer miyiga ahi iyana waa muhiim,qorshaha guud ee Xukuumadda iyo Wasaaradda Waxbarashadubaa waa sidii aynu horumar dhan kasta ah uga gaadhi lahayn guud ahaan Waxbarashada dalka”.
Mar uu baaq u diraayey ardayda iyo dadka reer Somaliland ee Shiinaha ku sugan ayaa yidhi “Kolay wixii Caafimaad ah Wasaaradda Caafimaadka ayaa inoo qaabilsan, laakiin Ardaydeena iyo Muwaadiniiteena Shiinaha ku sugan, waxaan kula talinayaa inay aad uga taxadiraan xanuunkan ka dilaacay,ee dadka badani u dhinteen”