Kuma Ayaa Bedeli Doona Guddoomiye Saleeban Marka Uu Iska Casilo Odaytinimada Guurtida

0
703

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan, ayaa la filayaa inuu dhawaan iska casilo xilka guddoomiyaha aqalka odayaasha Somaliland ee Guurtida.

Guddoomiye Saleban ayaan si rasmi ah loo garanayn sababta ku dhalisay inuu xilkan iska casilo, waxase la filayaa inuu aqalka golaha guurtida u gudbiyo iscasilaadiisa marka uu bishan February horaanteeda fadhigoodu furmo.

Waxa ay dad badani isweydiinayaan cidda bedeli doonta guddoomiye Saleban ee ku fadhiisan doonta kurgsigiisan awooda badan. Ma wuxuu noqon doonaa xubin ka tirsan golaha guurtida mise xubin kale oo banaanka kaga timaada aqalka odayaasha?, sidii uu Guddoomiye Salebanba ku soo galay xildhibaanimada markii dabayaaqadii sannadkii 2004 loo doortay guddoomiyaha golaha guurtida.

Hase yeeshee, inkastoo ay golaha guurtidu leeyihiin codka doorashada guddoomiyaha cusub ee bedeli doona guddoomiye Saleban, haddana Madaxweyne Biixi ayaa saamayn culus ku yeelan doona guddoomiyaha bedeli doona oday Saleban, waxaana dabacan la saadaalinayaa inuu guddoomiyuhu noqon doono oday cusub oo dhinaca siyaasadda jaal iyo saaxiib kula ah Madaxweyne Biixi, maadaama oo ay golaha guurtidu saamayn badan ku leeyihiin jaan-goynta siyaasadaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here