Agaasimaha Ciyaaraha Oo Hambalyeeyay Sannad Guurada Koowaad Ee Geeska Afrika (Ciyaaraha)

1
992

Picture2Hargeysa: (Geeska)- Waxaa toddobaadkii hore 5-tii bishan u buuxsamay hal sanno cadadka ciyaaraha ee Geeska Afrika Ciyaaraha, iyadoo wakhtigaas ay ahayd markii ugu horaysay ee uu soo baxay cadadkiisi ugu horeeyay ee uu ku curtay.

Haddaba guud ahaan bahweynta ciyaaraha kalada duwan ee dalkeena iyo masuuliyiinta sar- sare ee Wasaarada ciyaaraha ayaa muddadaas sannadka ah ee uu jiray Cadadkan Geeska Afrika Ciyaaraha ku bogaadiyay sida hufan ee heerka sare ee uu kor ugu soo qaaday ciyaarihii kala duwanaa ee dalka, una dhiiri-geliyay guud ahaanba dhalinyarta ciyaaraha. Cadadka Ciyaaraha oo toddobaadkii maalinta Isniinta soo baxa ayaa ah mid bulsho baddani ay si weyn ugu xidhan tahay tan iyo wakhtigii uu jiray, isagoo si weyn uga qayb qaatay horumarinta ciyaaraha dalka, isagoo sidoo kale dhawaaqiisa ay ku qabsoomeen waxyaabo ay ku diirsadeen bahda ciyaaruhu.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa Dhambaal Hambalyo iyo bogaadin is barkan u soo diray Geeska Afrika Media Group, kaas oo uu ugu Hambalyeynayo sannad guurada koowaad ee Cadadka Ciyaaraha, isagoo sidoo kale sheegay inuu yahay mid wax baddan ku soo kordhiyay dalka iyo bulshadaba, korna u qaaday ciyaaraha iyo ciyaartoyda dalkaba, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Runtii bahda Geeska Afrika Media Group waxa ay kor u soo qaadeen ciyaarihii dalkeena taas oo ah mid aan shaki ku jirin, waxay sidoo kale ay dadkii bareen ciyaartoydeena hada ciyaarta iyo kuwii hore ee dalka soo maray ee hanaankoodu aadka u sareeyay ee laba ilaabay, waxaanan leeyahay ka Wasaarad ahaan waanu idin soo dhawaynaynaa waanuna idinla shaqaynaynaa wixii aad nooga baahataan, waxaanan idin leenahay dedaalkiina iyo shaqadiina halkaas ka sii wada, waxaanan idiin rajaynaynaa inaad markasta guuleysataan”.

Dhanka kale tababarayaasha ugu magaca weyn ee dalkeena ayaa iyaguna fariimo Hambalyo ay soo gaadhsiiyay Geeska Afrika Ciyaaraha, iyagoo sheegay inuu wax baddan oo ku saabsan ciyaaraha dalkeena qabtay, waxaana macalimiintaasi ay kala ahaayeen Faysal Muuse (Faysal Dheere), Maxamed Maxamuud (Diridhaba), Iid Jibriil, Maxamed (Gadaraawi).

Cadadkan ciyaaraha ayaa qayb laxaad leh ka qaatay dhawaaqiisuna sababay in tartankii kooxaha heerka koowaad ee ka dhacay caasimada ciyaarihii Gobollada inuu qabsoomo, iyo sidoo kale in kooxda Duulista iyo Hawada in Wasiirku u soo celiyo Mushaharkoodii. Sidoo kale waxa inta baddan uu sameeya marka uu tartan dhamaado 11-kii xiddig ee ugu wanaagsanaa tartankaas taas oo ku timaada cadaalad iyo sinaan, halka sidoo kale uu dib u xasuusiyo bulshada ciyaartoydii waa weynaa ee dalkeena soo maray.

Comments are closed.