Marka ugu horeysaa ee aad kalmada musuq maasuq maqasho waxaa qalbigaaga ku soo dhacaya wax is daba marin iyo khiyaamo ama hanti la qaatay laakiin kalmadu musuq maasuq way macno balaadhantahay macnaheeda loo yaqaana waa in hantida iyo awooda dawlad nimo loo isticmaalo dano gaar ah; waxaa ka mid ah xatooyo xoola dadweyne, eexda iyo awooda dawladnimo oo aad uga kala hiiliso nin xaq leh iyo mid aan xaq lahayn adoo baadilka u hiiliya.
Markaan eegno warbixinta uu soo saaray baanka caalamiga ah (world Bank) sarakiisha dawlada u shaqeysaa waxay sanadkii musuqaan aduun dhan $1 trillion. Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta (Organization for Economic Co-operation and Development) waxaa uu sheegay cadad intaa ka badan.
Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarina oo indho indhayn ku sameeyey kiisas musuq maasuq oo dhan 427 sanadihii la soo dhaafay waxaa uu ogaadey in 53% musuq la galay ay madaxdu sameyso. Musuq maasuqu waxaa uu saameyn xun ku leeyahay arimaha ganacsiga, xaqa muwaadinka, nabadgalyada, helitaanka adeegyada caafimaadka, helitaanka xukun cadaalad ah, horumarinta dhaqaalaha iyo dawladnimada.
Sida aan ku arkay qoraal uu saameeyey nin la yidhaahdo ZAllan Ntata, 2015 isagoo soo xiganayaa khudbadii caleemo saarka ee madaxweynihii hore ee Ghana, Kwame Nkrumah ee sanadkii 1957 waxaa uu sheegay in Nkrumah yidhi “ Afrika waxay halis ugu jirtaa musuq kaasi oo dhaawac weyn u geysanaya malaayiinta afrikaan ah, ee u halgamaya xornimo iyo cadaalad”.
Hadalkaa markaad eegto waxaa uu ahaa indheer-garad fahamsan musuqa. Maanta hadaad eegto musuq maasuq ayaa meelkasta afrika ka jira waana ta ugu weyn ee sababtay faqriga iyo khilaafaadka ragaadiyey afrika.
Markaad dhuuxdo dooda Nkrumah ee waqtigaa. Qaaradan madow ee afrika musuq maasuqa ka jiraa waa mid taariikh badan soo jirey; waxaanu jirey xataa xornimada ka hor. Hay’adaha dawliga ahi ma ahayn qaar dhisan oo ka hor taga musuq maasuqa imika oo aan mareyno 2016 musuqu waa sidii.
Anigoo soo xiganaya khubaro dhinaca siyaasada ah iyo hay’ado caalami ah oo eega musuqa ka jira hay’adaha dawladeed ee afrika waxay tilmaameen in caqabada ugu weyn ee curyaamisay dhaqaalaha, siyaasada iyo horumarinta bulshada ee qaarada afrika ay tahay musuq maasuqa.
Hay’ad caalami ah oo musuqa daba gasha oo la yidhaahdo Transparency International (TI) ayaa ku qiyaastay musuqa afrika in 20-30 percent lacagtii loogu talo galay adeegyada asaasiga ah sida: biyaha iyo caafimaadka la xado. Intaa waxaa dheer sida ay qoreen jaraa’ido dibada ah iyo darasad lagu sameeyey musuqa afrika waxaa la ogaadey in billions of dollars sanad kasta laga siibo dhaqaalaha afrika oo ay madaxdoodu dhigtaan Bunuuk caalami ah. Warbixin ay soo saartay UN-tu waxaabay ku qiyaastay 200 billion in afrika laga saaro sanad kasta oo ay xadaan hogaamiyaashu.
Nasiib darada dhacday lacagtan ay xadaan madaxda afrika waxay ka badan tahay caawimada afrika uga timaada dibada (amount of foreign aid to Africa) sidoo kale waxay kala badh ka badan tahay deynta afrika lagu leeyahay (eesh qiyaaska). Hogaamiyayaasha afrika ayaa u isticmaala lacagta dawlada danahooda gaarka halkii ay dadkooda wax ugu qaban lahaayeen bal hadaba eeg afrika ma faqriba mise iyada is baday.
Shacabka afirka iyagoo og musuqa hadana kama dhiidhiyaan bal hadda tusaale aan u soo qadano shacabka Koonfur Kuriya maxay dhawaanahan ka mudaharaadayeen waxaa jirtay in gabadh la yidhaahdo An Chong-bum oo gacan yaro u ahayd, madaxweynaha Koonfur Kuriya, Park Geun-hye ay laaluush ka qaadatay shirkado badan iyadoo ka fa’ideysanaysa awooda madaxweynaha hadaba markii dadkii maqleen fadeexadaa waxay u soo baxeen dariiqyada waxaanay ugu baaqeen madaxweynah inay is casisho. Dacwad ayaa lagu soo oogey barlamaankii isagoo ixtiraamaya dadka soo doortay islamarkaana ka baqaya awooda shacabka xilkii ayay ka qaadeen madaxweynaha si baadhitaan intaa ka badan loogu sameeyo. Bal hadaba is barbar dhig sida shacabka afrika aanu uga guban musuqa iyo sida shacabka kuuriya isaga diidiyey in hantidooda la musuqo.
ALLA MAHADLEH
Mohamoud Dahir Omar
Hargeisa, Somaliland
Mobile: 0634423327