Kaftanka Maanta, Malaynta Xukuumada Muuse Dhisi Karo Hadii Ladoorto Axmed Nuur Guruje

0
767

Qofka Binu’aadamka ah  dareenkiisa dhabta ah iyo niyadiisa in la ogaado marka la doonayo waxa jira xaalado gaara oo loo fiirsado  lagalana soo baxo  dareenka qofka ee dhabta ah .
Qofku markuu ku jiro dareen qushuuc ah , qiiro iyo Kacsanaan ( Emotional) , ayay u badan tahay inuu ugu dhawyahay muujinta dareenkiisa dhabta ah .

Hadaba qof waliba wuxuu leeyahay xili uu qiiroodo oo dareenkiisu caadifad ahaan is badalo , sidaa darteed Muuse bal markaa uu qiiraysan yahay aynu is dultaagno .

Muuse marka uu ka hadlayo Taariikhda halgankii SNM , ayuu ugu dhaw yahay inuu qiiroodo , mararka qaarna isagooo laga arkayo wejigiisa qiirada ayuu six eel-dheer taariikhda halganka u lafa-gura .

Hadaba si aynu ugu soo dhawaano , jawaabta suaasha aynu ku binaynay kaftankeena aynu is waydiino , Muuse Taariikhda halganka siduu u qaybiyaa iyaba waa qaybe .

Maalin ka mida , maalmihii uu socday , ololihii doorashada baarlamaanka ee 2005 , ayaa Xisbiga Kulmiye waxa kusoo biiray , labada Ardaa ee Ahmed Cabdale iyo Cabane Cabdale , oo sida aan maalintaa ogaaday la isku yidhaahdo , ( Bah Cabdiraxmaan ) oo ka cabanaysay in Xisbiga Udub oo ay taageersanaayeen , ka tagay Musharax ay wateen , oo uga tartami lahaa G/Maroodi-jeex .
Muuse wuxuu ka mid ahaa , Madaxdii munaasabadaa ka hadashay , hadalkiisan waxa ka mid ahaa

‘’ Xisbiga Udub , miyaanu ogayn in beeshani tahay beeshii uu ka dhashay , mujaahidkii kaaraha gubay ‘’ . ilaa heerkaa kaaraha ayuu taariikhda snm ka warankeeda muuse gaadhsiiyaa , waxaase is waydiinle siduu u qaybiyo .

1- Halganka SNM , Ardaaga uu ka dhashay inta badan kamaba tago , waanu ku celceliyaa .
2- Arab ayaanta uu dan leeyahay buu soo xasuustaa , sida maalintii kaah ee uu ka waramayay , buuqii Stidayamka .

3- Inta kale ee beelaha Somaliland inay snm ahaayeen iyo in kale kama war hayo .

Muuse oo abtiyaashii maalina intuu masalaha ka tagay , doorkii ay snm ku lahaayeen isagoo intuu qiirooday ka sheekaynaya lama arag , xitaa saamaynta heesihii abtigii Maxamed Mooge , in kastoo maxamed mooge dhintay intii muuse aanu snm ku soo biirin .

Reer berbera malaha waxa uu u haystaa in dhaga-wayne iyo dhawr kale snm ka ahaayeen .

Reer Burco iyo saraareed , Maxamed Kaahin iyo Siilaanyo ayaa kaga filan , in cid kale snm kaga jirtay na war uma hayo , sababtoo ah , Balan-baal ilaa Balaadhis waayihii ka dhacay isagoo maalina ka waramaya lama arag .

Qoldan hawdada iyagu Xisaabta SNM uguma jiraan .

Hadaba , saamiga taariikhda snm , siduu u qaybiyay markaad aragto , saadaasha hadii la doorto xukuumada uu dhiso karana ila eeg waatane .

1- Sacad Muuse , Priority No 1 .
2- Arab Interest

3- H j Tactics .

4- Garhajis , Decoration .

5- Ciise Muuse , Flower  .
6- Samaroon .Saylici Intention .
7- Dhulbahante . perment .
8- Warsangeli . Including .
9- Ciise .Member .
10- Ayoub None changeable share . .

11- Toljecle , obtional .
12- Gabooye , Thinking .