Abwaan Basbaas Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa Cisbitaalak Hargeysa

0
692

Hargeysa(Geeska)-Waxa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa xanuun u jiifa  abwaanka caanka ah ee Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas), oo ka mid ah abwaanada magac ku leh guud ahaan fanka Soomaalida.

1

Abwaan Basbaas, sida ay qoyskiisu Geeska Afrika u xaqiijiyeen waxa cisbitaalka la dhigay habeen hore, waxaanu ku jiraa xaalad koomo ah, waxaanay dhakhaatiirta cisbitaalka guud ee Hargeysa u samaynayaan baadhis caafimaad iyo daawayn.

Abwaan Basbaas, ayaa alifay riwaayado iyo heeso caan baxay oo badan, sidoo kale wuxuu caan ku yahay majaajilada. Alle waxaanu uga baryaynaa inuu caafimaad siiyo Abwaan Basbaas. Aamiin.