Abaaraha Dalka Ka Taagan Oo Sababay Xanuuno Kala Duwan

0
654

Hargeysa(Geeska)-Abaaraha ka jira Somaliland ayaa la sheegay in ay sababeen xannuuno ka dillacay deegaanno badan oo ku dhacay dadka iyo xoolahaba.

1

Xanuunnada qaarkood ku dhacay xoolaha ayay dadku sheegeen in aanay aqoonsan, halka cudurrada dadka haleelay ay wasaaradda caafimaadku la tacaalayso.

Waxaa sidoo kale jira cuduro kale oo ka dhashay dhirta. Cabdicasiis Cali cadaani oo ka mid ah howlwadeenada gargaarka bani aadannimo ee ka shaqeeya Somaliland, ayaa weriye Barkhad Kaariye oo VOA ka tirsan u sheegay inay soo arkeen cuduro ku dhacayay xoolo la iskaga keenay deegaano kala duwan kuwaas oo uu sheegay inaanay garanayn xanuunadaas.

Wuxuu Cabdicasiis sheegay in xoolahan xanuunsaday la arkay in marka ay dhintaaba uu haragii ka dhammaanayo islamarkaana uu neefkii qarxayo.

Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed, ayaa isna sheegay in xanuuno xoolaha haleelay dalka ka dilaaceen, isagoo xusay in bakhgita xooluhu ka qayb qaadan karo faafitaanka xanuunada oo dadka u gudbi kara, haddi aan laga hortagin.