Wasaarada Waxbarashada  Oo Qabatay Dood Cilmiyeed ka Dib U Habeynta Qaybta Manhajku Ee Ilaalinta Aqoonsiga Wadaniga

0
522

Hargeysa(Geeska)-Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  daahfurtay  dood cilmiyeed ku saabsan Manhajku qaybta uu ka guto ilaalinta aqoonsiga wadaniga ee islaamiga ah iyo khatarta uu casrigu keensaday , waxaana dood cilmiyeedkan fulintiisa lahayd agaasimka guud ee tacliinta sare, halka ay maal gelisay Hay’adda wadaniga ah ee Geeska Afrika.

1

Shirkan Dood Cilmiyeedka ah oo shalay ka furmay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hrgeysa waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Waxbarashada iyo iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland md Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) iyada oo sido kale Masuuliyiinta sare ee Wasaaraddaasi oo ay ka mid yihiin,  Wasiiru Dawlaha wasaarada Waxbarashada Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Agassimha Guud Ee Tacliinta Sare Dr. Yuusuf Axmed Cali kulanka ka mudada labada maalmood ah socon doona ka qaybgaleen, waxaana sido kale Xubnaha Shirka ka qaybgalay ka mid ah xubno ka kala socday jaamacadaha Dalka, Culumo diin, aqoonyahano, Hay’ada Geeska Afrika iyo marti sharaf kale iyada oo mudadda uu socon doono lagaga doodi doono 

Agassimha Guud Ee Tacliinta Sare Dr. Yuusuf Axmed Cali  oo ugu horayn  faahfaahin ka bixiyey dood cilmiyeedkan iyo waxa uu ku saabsan yahay waxa uu yidhi  “ maanta sida aad dareensan tihiin waxaynu iskugu nimid arin aad iyo aad muhiim u ah oo ah sidii ay bulshadeenu u siijiri lahayd dhaqankeeda, afkeeda, dalkeeda, diinteeda, dadnimadeeda, mustaqbalkeeda iyo calankeeduba uu u taagnaan lahaa, taasi oo runtii meelo badan laga soo weeraray, waxaanu dood cilmiyeedkani inoo socon doonaa laba cisho haddii alla yidhaa”

Agassimha Guud Ee Tacliinta Sare Dr. Yuusuf Axmed Cali waxaa uu intaasi raaciyay in aqoonyahanka ka soo qayb galay dooda uu labada cisho ee ay socoto lafa guridoono cilimi baadhisyada lasoo jeedin doono iyo aragtiyaha kala duwan ee lasoo jeedin doono, waxaanu u mahadceliyay Hay’adda Geeska Afrika oo bixisay  kharashka ku baxaya dood cilmiyeedkan labada cisho socon doona.

Wasiiru dawlaha wasaarada Waxbarashada Somaliland Maxamed Xaaji oo isaguna halka hadal kooban oo mahadnaqa ka soo qaybgalayaasha ku aadana waxa uu yidhi “Hadaanu wasaaradii waxbarashada iyo tacliinta Sare aqoontii dalka iyo waxgaradkii ummadani lahayd oo aanu uga mahadcelinayno siday fursada noo siiyeen ayna mudantahay munaasibadan oo kale wax fursad lasiiyo, aadbaanan idiinka mahadcelinaynaa”

Md Maxamed Xaaji waxa uu inta ku daray  “ markii aanu aragnay haddii aanu nahay bahdii waxbarashada gaar ahaan tacliinta sare cabashooyinka markaynu meelahaa iskugu nimaadno aynu isku sheeganayno waxaanu garanay in la isla eego dhinaca iyo mustaqbalka ay bulshadu usocoto iyo wadaniyada ood moodo in ay da’a yarteenii ka sii madhanayso” ayuu yidhi.

Ugu dambayntiina waxa dood cilmiyeedkaasi ka hadlay oo si rasmiya u furay mudada uu socon doono Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane isagoo ugu horayn umahadceliyay ka soo qayb galayaasha iyo agaasimka tacliinta sare ee soo qaban qaabiyay Dood Cilmiyeedka “ arinkani waa arin loobaahnaa in baadhis lagu sameeyo oo la isla meeldhigo, way mudantahay in aynu iswaydiino wax aynu gaarka uleenahay sidii aynu ugu xifdiyi lahayn ubadkeena , mawduucan aynu isasoo hordhignay maanta waa arin loo baahnaa oo mudan in aqoonyahanku ka dooda oo uu   wax ka soo saaro oo waxaa ka soo baxay lasii harumariyo oo jaamacaduhuna ay cilmi baadhis ay sii sameeyaan oo xogtaasi laga soo saaro wax raadraac noqda” ayuu yidhi wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay in ku dhaqanka hadba wixii dan lamoodaa ay kamid tahay in la ilaashado waxa aynu leenahay, waxaanana halkan inooga soo bixi doona talooyin aynu ku ilaashano tacliinteena, ugu dambayntiina waxaa uu wasiirku amaan usoo jeediyay Hay’adda Geeska Afrika oo iyadu bixisay kharashka.