Aaya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (15)

0
524

Alabaabka xidhan
Sida oo kale Aaya Soofiya waxa ay leedahay albaab lagu magacaabo, ‘Albaabka xidhan’. Albaabkani waxa uu ku yaallaa dhammaadka jiid luuq cidhiidhiya ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee dhismaha, albaabkan waa la arkaa laakiin lama furi karo.
Sheekabarelyda laga soo gaadhi jiilashi hore waxa ay sheegaysaa in uu yahay albaabkii uu ka baxsaday Baaderigii ugu sarreeyey Orthodox ku, markii ay Cusmaaniyiintu soo galeen magaaladii Qustantiiniya. Tan iyo maalinkaas uu baaderiga baxsanayaa ka baxay albaabkan idi dib uma furin. Mar dambana albaabka waxaa la dhexgeliyey gidaarrada Kaniisadda si aanay cidi u awoodin furistooda.
Waxaa jirta aaminsanaan kale oo sheegaysa in Shaydaan uu ku xidhan yahay albaabka gadaashiisa, taasina ay tahay sababta ay tahay in aan loo furin albaabka. Dadka arrintan aaminsani waxa ay ku andacoonayaan in xidhista Shaydaankani ay ku timi ducadii Suldaan Maxamed Al-Faatix ee maalintii ugu horreysay ee uu salaad Jimce ku tukado Aaya Soofiya.
Looxa doonidii nebi Nuux (CS)
Albaabka ugu weyn ee laga galo dhismaha masaajidka Aaya Soofiya waxa uu ka samaysan yahay loox, waxaana lagu magacaabaa ‘Albaabka Imbaraadooriyaddii’. Albaabkan oo dhererkiisu uu yahay 7 mitir oo ah loox dusha sare laga mariyey lakab ah maadadda Boroonsi ayaa ay dadka qaar aaminsan yihiin in looxa uu ka samaysan yahay uu ka mid yahay doonidii Nebi Nuux (CS) oo laga helay guudka sare ee mid ka mid ah buuraha dalka Turkiga. Sidaas awgeed dad badan ayaa albaabkan si gaar ah uga barakaysta.
Muuqaalladan taariikhda taariikhda mugga weyni ku duugan tahay, diimaha iyo dhaqannada kala duwan ee isu weydaartay Aaya Soofiya iyo qisaska khuraafaadka ah ee aynu qaarkood xusnay ayaa ka mid ah waxyaabaha sida aadka ah u soo jiita dadka malaayiinta muslimka iyo Kiristaankaba ah ee dalkxiiska ku iman jiray Aaya Soofiya intii ay kaniisadda ahayd, waayaheedii mataxfnimada iyo waqtigii ay ahayd masaajidka oo hadda mar labaad ku soo noqotay. Si kastaba ha ahaato ee arrimaha aaminsanaanta diineed ee khuraafaadka ahi muddooyinkan dambe waxa ay noqdeen kuwo keliya xusuuso taariikheed iyo maadays ku soo ururay.