Aalado Aynu Ku Jimicsanno Oo Waayada Qaar Ahaa Qalab La Isku Ciqaabo: Bilowga Yaabka Lahaa Ee Shayo Maanta Aynu Si Caadiya U Isticmaalno (1)

0
722

1London (Geeska)- Qof kasta oo noolaa casriyadii dhexe iyo xitaa taariikhihii bilowga aadamaha, oo arki lahaa qaab nololeed aadamaha maanta nool waxa uu la yaabi lahaa ficillo badan oo xilligiisii ciqaab ama ceeb ahaa oo maanta raaxo iyo ammaan laga raadinayo. Waxa si gaar ah qaar badan uga yaabin lahaa qalab ay ogaayeen bilowgii curintooda sababta loo sameeyey oo ay arkayaan in maanta sidii si aad uga fog loo isticmaalayo.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah qalabbadaas sababtii loo sameeyey si ka duwan sida loo isticmaalo.

1. Luuqada Braille:

Qisada far-qoraalka dadka aan dareenka aragga qabin, waxa ay ku bilaabatay markii hoggaamiyihii Faransiiska ee Napoleone di Buonaparte khaati ka joogsaday korodhka dhimashada iyo dhaawaca ciidamadiisa furinta fadhiya, oo inta badan si gaar ah loo shiishi jiray marka ay habeenkii dabka shitaan si ay u akhriyaan farriimaha iyo dhambaallada uga yimid hoggaamiyeyaashooda sare, ama u qoraan dhambaal degdeg  ah, kadib waxa uu ka fikiray hab saarkiisha ciidankiisu ku akhrisan karaan kuna qori karaan dhambaallada iyaga oo aan dab shidan. Napoleone waxa uu adeegsaday sarkaal lagu magacaabi jiray Charles Barbier oo uu ka dalbaday in uu ka fikiro xal sahlaya in habeenkii la akhriyo qoraallada, iyo qariiradaha, laa qori karo iyada oo aan la shida dab.

Barbier waxa uu ikhtiraacay nidaamka ah dhibcaha ka dhex muuqda warqadda ee ah qoraalkii oo ku xardhan, taas oo marka qofka lagu tababaro kadib u sahlaysa in uu taabashada ku garto xaraf kasta kadibna sidaas ku akhriyo.

Arrintan ciidamadii Napoleone waxa  ay u arkee caddibaad iyo wax aan la fahmi karin, gaar ahaan marka la eego xaaladda dagaal ee ay ku jireen oo qasbaysay in ay u baahan yihiin in aan akhriska waqti badan lagu mashquulin.

Diidmadaas saraakiisha ciidanku diideen xeeladdan akhriska habeenkii waxa ay keentay in Barbier oo aad ula dhacsanaa aqoontiisan in uu ula tago Maxadka boqortooyada ee magaalada Baariis oo wax lagu bari jiray carruurta indhaha la’, markii uu hal-abuurkiisan u sharraxayna si aad ah ayaa ay masuuliyiintii iyo aqoonyahankii maxadku u soo dhoweeyeen.

Maalintaa laga bilaabo farsamadani waxa ay noqotay ta keliya ee uu maxadkani u isticmaalo in uu ardaydiisa ku baro wax-akhriska. Iyada oo muddo kadibna uu farsamadii sii casriyeeyey Louis Braille, oo ahaa arday farsamada wax ku bartay oo noolaa intii u dhexeysay 1809 illaa 1852. Braille ayaa isaga oo saddex jir ah indho beelay, kadib waxa uu hindisay casriyeyta  farsamadan oo uu aad u fududeeyey una qurxiyey sida ay hadda tahay, waana sababta luuqaddaas loogu bixiyey magaca ardaygan wax ku bartay ee Braille.

Maanta cidina madiidi karto muhiimadda ay luuqaddai u leedahay nolosha dadka aragga naafada ka ah, laakiin haddana runtu waxa ay tahay in Braille aan marka hore loo ikhtiraacin in dadka indhaha la’i ka faa’idaystaan balse loo sameeyey ujeedooyin milateri oo keliya.