Hargeysa (Geeska)- Marka saddex meelood loo qaybiyo dalalka la aqoonsan yahay ee dunida maanta oo tiradoodu dhan tahay 196, meel ahaan ayaa calamadooda ay ku yaallaan calaamado diimeed oo ka turjumaya diinta dalkaas, sidaa waxaa lagu sheegay sahamin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi baadhista ee Pew oo ku taalla dalka Maraykanka. Warbixin ay diyaarisay Angelina Theodorou oo uu Wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka ee xarunta Pew ayaa lagu sheegay in 64 oo calamadooda ay ku xardhan yihiin calaamado diineed ay ku dhowaad kala badh oo ah boqolkiiba 48 yihiin kuwo Kiristaan ah, halka boqolkiiba 33 oo ah saddex meelood meel ka mid ahina ay yihiin calamo xambaarsan calaamado Islaami ah.
1. Kiristaanka: Astaamaha Kiristaanka ka turjumayaa waxa ay ka muuqdaan calamada 31 dal oo ku yaalla Yurub, Eeshiya, Baasifigga, iyo Ameerika. Tusaale ahaan calanka dalka Ingiriiska waxaa ku yaalla laan-qayro (Iska-Tallaab) leh qaabkii mucatabkii uu isticmaalayey St. George iyo St. Andrew oo ka mid ah rasuullada ay aaminsan yihiin mad-habaha Orthodox iyo Catholic iyo St. Patrick oo isna ah rasuul kale oo ay raacaan kiristanka Ireland. Sidoo kale qaar ka mid ah dalalka ku jira ururka Barwaaqa Sooranka ayaa iyagu weli isticmaala calanka Ingiriiska oo inta ay yareeyeen ku dhejiya dhinac ka mid ah calamadooda si uu astaan ugu noqdo, waxaa ka mid ah dalalka Fiji oo ah jasiirad ku taalla badweynta deggen ee Pacific, Jamhuuriyadda Tuvalu oo ah jasiirad ku taalla Baasifiga, Australia, New Zealand, Spain, Giriigga, Norway iyo Jamhuuriyadda Dominican dhammaantood waxaa calamadooda ku taalla astaan u taagan diinta Kiristaanka.
2. Islaamka: Astaamo ka turjumaya ama laga soo dheegtay diinta Islaamka ayaa ku yaalla calamada 21 dal oo ay ka mid yihiin dalalka lama-degaanka Afrika ka hooseeya qaar ka mid ah, dalal ku yaalla Badweynta Baasifigga qaybteeda Eeshiya, Bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika. Tusaale ahaan, dalka Baxrayn, calankiisa oo ah midabbada casaan iyo caddaan, halka ay iska galaan ay samaynayso shan Faraq oo u samaysan qaabka saddex geeska oo gudban midabkooduna caddaan yahay, waxa aanay u taagan yihiin Shanta Tiir Islaam. Dalalka Aljeeriya, Turkiga, Burunaay (Saldanadda Brunei waxa ay dhacdaa badweynta Pacific qaybteeda Eeshiya raacsan) iyo Uzbekistan dhammaantood calankooda waxaa ku yaalla xidig iyo bil, oo ah calaamad lagu yaqaanno Islaamnka.
Laakiin yaan lagu qaldin dalka Singapore oo isaga qudhiisana calankiisu leeyahay Bil iyo Shan xiddigood, dalkan dadkiisu yihiin 5 Milyan iyo badh boqolkiiba 34 waxa ay haystaan diinta Buddhist ka, diinta labaadna waa Kiristanka oo ah boqolkiiba 18 Islamaamkana waxaa aaminsan boqolkiiba 10 keliya, sidaa awgeed calaamaddiisani uma taagna arrin xidhiidh la’ leh Islaam. Bisha waxaa looga jeedaa in dalkaasi uu yahay dal curdin ah oo aan muddo dheer jirin (Guun ahayn) si loo muujiyo in horumarka ballaadhan ee uu sameeyey uu yahay mid xawaare aad u sarreeya ku socda, shanta xiddigood ee ku hoos jirana waxaa looga jeedaa shanta fikradood ee tiirarka u ah nidaamka dowladnimo ee dalkaas, kuwaas oo kala ah, Dimuqraadiyad, Nabad, Horumar, Cadaalad iyo Sinnaan.
3. Buddhist iyo Hindu: Shan ka mid ah dalalka dunida ayaa ay calamadooda ka muuqdaan calaamado muujinaya diimaha Buddhist ka iyo Hindus ka, shantaas dal Saddex ka mid ah waxaa calankooda ka muuqda labadan diimood oo isku jir ah, waxa aanay yihiin dalalka Cambodia, waxaana calankiisa ku dhex sawiran macbad taariikhi ah oo ay isaga dambeeyeen diimaha Hindu iyo Buddhist ku, dalka Nepal isna calankiisa waxaa ku wada yaalla astaamo u taagan labadan diimood oo ah kuwa ugu muhiimsan ee dadka dalkaasi aaminsan yihiin. Dalka India isna calankiisa waxaa dhexda kaga yaalla oo ah astaan cibaado iyo tamar qaadasho oo laga soo dheegtay labadan diimood.
4. Yuhuudda: Israa’iil ayaa ah dalka keliya dunida oo dhan ee calankiisa ay ku yaallaan calaamado u taagan diinta Yuhuudda, waxaa ka mid ah xiddigta lixda gees leh ee ku taalla badhtanka calanka oo ah astaan Yuhuuddu ay aaminsan tahay in ay tahay xiddigtii ama fargalkii nebi Daa’uud, in kasta oo xiddigtaas lahaanshiyaheeda iyo taariikhdeedaba muran badani ka taagan yahay, sidoo kale calanka Israa’iil waxa uu ka kooban yahay midabbo u samaysan qaabka sijaayad ay can ku yihiin in ay ku istaagaan marka ay tukanayaan.
5. Diimo kale: Waxaa iyaguna jir Lix dal oo leh calaamado xidhiidh la leh dhowr diimood oo kale, waxaa ka mid ah calanka dalka Japan, oo ah caddaan dhexda ku leh goobo casaan ah oo looga jeedo qorraxda, taas oo u taagan diinta Shinto oo ah diin qaddiimi ah oo Imbaraaddoorradii hore ee dalka Japan ay haysteen, welina raadkeedu ku dhex xooggan yahay bulshada dalkaas. Dalalka Uruguay iyo Argentina, labadaba calankooda waxaa ku yaalla qorrax midabkeedu dahabi yahay oo dhalaalaysa, waxa aanay u taagan yihiin mid ka mid ah ilaahyada ay caabudaan dadka dalalkaas oo qorraxda xidhiidh la leh. Dalka Mexico ayaa uu isagana calankiisu leeyahay xayawaanno ay ka mid yihiin gorgor iyo mas oo u taagan diimi dalkaas ka jira.
In kasta oo calanka Maraykanka aanay ku jirin wax calaamad ah oo u muujinaysa diin, haddana dhowr ka mid ah gobollada dalkaas, ayaa calamadooda heer gobol waxaa ku yaala astaamo diini ah, tusaale ahaan gobolka New Mexico calankiisa waxaa dhexda kaga sawiran qorrax fallaadho leh oo midabkeeducasaan yahay, taas oo ah astaan diineed, gobollada Alabama iyo Florida ayaa iyaguna sidaas oo kale ah.