5 Hoggaamiye Oo Dilay 197 Milyan Oo Ruux, Laakiin Taariikhdu Aanay Ku Sheegin Argagaxiso

0
689

Picture2Dad badan oo kale ayaa Pol Pot inta uu xabsiyo ku guray uu ka hor-istaagay in ay helaan daryeel caafimaad iyo cunto nadiif ah oo fiican, taas oo sababtay in saddex sano oo keliya oo uu raysalwasaare ahaa ay tiro aad u badan oo maxaabiis ahi xabsiyada gaajo iyo cudurro ugu dhex dhimato.

Pol Pot markii uu talada dalkiisa qabtay waxa uu ku andacooday in uu dalka ku dhaqayo fikirka Shuuciyadda, gaar ahaan ka ku dhisan aragtidii Mao ee China aynu kaga soo warannay, sidaa awgeed waxaa dawladda Pol Pot taageeray hoggaamiyihii China ee Mao. Laakiin Pol Pot isaga oo ku socda dhabbahaa macallinkiisaa Mao waxa uu dalka ka bilaabay mashaariic dhalanted u badan oo burbur iyo dagaallo uun uu dalka Cambodia ka dheefay. Tusaale ahaan waxa uu baro kiciyey magaalooyin badan oo dadkii deggenaa uu ku amray in ay qasab kaga guuraan si beero looga dhigo, kadibna inta uu dhismayaashii burburiyey uu damcay in uu beero waaweyn ka dhigo isaga oo muwaadiniintana qasab kaga dhigay in ay ka shaqeeyaan ol’olaha beerashada dhulka ee dawladdu waddo.

Pol Pot waxa uu dalkiisa ka mamnuucay dawooyinkii casriga ahaa ee dibadda uga imanayey isaga oo ku andacoonaya in loo baahan yahay in wax kasta isku filnaanshiyo laga gaadho, taas oo keentay in cudurro aad u badani ay faafaan dad boqollaal kun ka badanina caafimaad darro u dhintaan.

Pol Pot waxa uu isu bixiyey “Walaalka Weyn” waxa aanu ka shaqeeyey sidii uu dalka Cambodia uga tirtiri lahaa reer magaalka iyo aqoonyahanka, xitaa waxaa xabsiyada lagu guray ama dil lagu fuliyey dadka lagu arko iyaga oo xidhan muraayadaha indhaha ee aragga caawiya, maadaama oo la doonayey in dadku ay dib ugu noqdaan noloshii qaddiimka ahayd.

Sannadkii 1979kii, ayaa uu soo af go’ay xukunkii Pol Pot kadib markii ciidamada dalka Veitnam ay xoog ku galeen caasimadda dalka Cambodia oo ay qabsadeen, iyaga oo ka jawaabaya dagaalo hore oo dhinaca Pol Pot uga yimid oo ay ka mid ahaayeen kii ay ciidamada Cambodia ku galeen gudaha xuduudka dalka Veitnam.

Pol Pot oo muddadaa gaaban ee uu xukunka dalkiisa hayey dilay dad ka badan 2 Milyan ama haddii aynu si kale u dhigno dad tiradoodu tahay afar meelood meel tirada guud ee dadkii dalka, markii xukunka laga tuuray halkaa kuma uu joogsan ee waxa uu mar kale hoggaamiyey jabhaddiisii Khamiirka Cas, oo uu dagaal adag la galay dalka Veitnam, kaas oo uu waday illaa dhimashadiisii oo ahayd sannadkii 1998kii.

Leopold II (Leopold kii Labaad): Boqorkii inta uu iibsaday dalka Congo ka dhigtay hanti uu leeyahay dadkiisana laayey:

Boqorkani waxa uu isir ahaan ka soo jeeday qawmiyadda Belgians oo ah kuwa asal ahaan u leh dhulka uu hadda ku fadhiyo dalka Belgium, waxa aanu ahaa boqorkii labaad ee ka taliya dhulkaas. Leapold kii labaad oo sannadkii 1835kii ku dhashay magaalada Brussels ee hadda xarunta u ah midowga Yurub waxaa kursiga boqortooyada uga horreeyey oo keliya aabihii oo ahaa Leopold kii Koowaad, waxa aanu taajka boqornimada la wareegay sannadkii 1865kii oo uu aabihii dhintay, isaga oo boqor ahaa 44 sano oo ku ekayd 1909kii oo uu geeriyooday.

Leopold Kii Labaad waxa uu horkacayey dadaalkii koowaad ee ay Yurub ku doonaysay in ay horumariso webiga Congo si ay uga faa’idaysato, dadaalkaas oo aakhirkii u gogol xaadhay curashada dawlad xor ah oo la yidhaahdo Kongo oo lagu dhawaaqay sannadkii 1885kii, laakiin lagu daray dhulka boqortooyada Belgium oo ay muddo dheer ahayd gobol ka mid ah oo loo yaqaanno Congo Belgium.

Marka laga tago taariikhda la qurxiyey ee boqorkan Leopold 2 waxaa xaqiiqo ah in uu ahaa gacan ku dhiigle dilay dad ka badan 10 Milyan oo ahaa Afrikaankii ku dhaqnaa dalka hadda loo yaqaanno Congo Kinshasa.

Dadkan dilkoodu kuma uu iman dagaal dhacay ama gacanta keli-taliye dalkooda u dhashay oo xukunka xoog ku haysta. Balse waxaa laayey hoggaamiye dhaqameed iyo siyaasadeed oo kaga soo duulay dal masaafad aad u dheer u jira, kadibna inta uu iibsaday dalkii dhamaa ee Congo oo weliba uu si aad u fool xun u iibsaday dadkiina gumaaday.

Leopold 2 waxa uu hoggaamiye dhaqameedkii qabiilooyinka Congo oo aan waxna qorin waxna akhriyin ku qanciyey in ay saxeexaan heshiis uu isagu soo diyaarsaday oo ay dhulkooda si abadiya ah uga iibinayaan, laakiin arrinta murugada leh ee ka sii daran in hoggaamiyeyaashan qabiilooyinku ay dhulkooda iibiyaan ayaa ah qiimaha ama waxa ay ku iibiyeen ama ay ku beddesheen dalkooda.

Boqor Leopold 2 waxa uu hoggaamiyeyaashan badowda ahaa u ballan qaaday in uu bil kasta dhar u keeni doono si ay isugu asturaan iyo in hoggaamiyeyaasha qabiilooyinku ay keenaan dadka shaqaalaha ah ee hadba uu boqor Leopold u baahdo. Qodobbada heshiiska boqorku dadkan ka saxeexay ayaa ay ku qornayd, “Bil kasta hal maro ayaa la siinayaa mid kasta oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha qabiilooyinka ee heshiiskan saxeexay, waxa kale oo la siinayaa hadyad dhar ah oo imika la siinayo. Hoggaamiyeyaashu dhinacooda waxa ay iskood iyaga oo maankooda iyo miyirkoodaba qaba uga tanaasulayaan in iyaga iyo kuwa dhaxalkooda leh iyo kuwa isirkooda ka tafiirmi doona abid,La Soco