Cirro Iyo Baashe Oo Dagaalka Ka Dib Eeddo Isu Jeediyay

0
582

Picture2Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiye xigeenka koowaad ee  wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo shalay dagaal ku dhex maray fagaaraha laga guddoomiye fadhiyada wakiillada ayaa isu jeediyay eedaymo. Waxay bulshada ka raaligaliyeen gacan ka hadalka dhexmaray labada guddoomiye.

Guddoomiyaha Wakiillada ayaa gacan ka hadalkii sidan uga hadlay “Shacbiga Somaliland iyo golaha wakiilladaba waanu ka raali galinaynaa wixii meesha ka dhacay maanta (Shalay).

Goluhu wuxuu maanta (Shalay) u fadhiistay kalfadhigiisii caadiga ahaa oo hawshiisii ayuu watay, waxaana socotay doodii xeer hoosaadka, dabadeed mudaneyaal ayaa mooshin keenay, sidii caaddada ahayd waanu ka qabanay, waxaanu akhrinay magacyadoodii, wuxuuna la ujeeddo noqday mooshinku kii hore ee ku saabsanaa Haamaha shidaalka Berbera, sidaas daraadeed xeer hoosaadku ma ogola mooshin isla kalfadhigan la keenay in la soo celiyo, sidaas darteed waxaanu nidhi wuxuu mooshinkani ansax yahay kalfadhiga dambe.

Haseyeeshee meesha waxaa ku talogal ugu jirtay fawdo in laga bilaabo, guddoomiye xigeenku isagoo ku tuntay nidaamkii iyo sharciyaddii qaranka ayuu shir guddoonkii iska qabsaday anigoo fadhiya, wuxuu iska bilaabay hadal isagoo leh ha la codeeyo, anigiina aan fadhiyo oo golihii aanu u sheegnay sidii xeer hoosaadku jideeyay golihiina ku qancay,” ayuu yidhi Mr Cirro. Guddoomiye xigeen Baashe Maxamed Faarax, ayaa isna sidan uga hadlay dhacdadaasi “ Isagaa bilaabay gacan ka hadalka, isagaana ku horeeyay gacanta, haddii uu sidii guddoomiye u dhaqmi waayo, loola dhaqmi maayo, guddoomiye maaha, waxaanu wada nahay shir guddoon taladana waanu wada leenahay, markaa shirguddoonku wuxuu goostay in soo jeedin la sameeyo oo cod la galiyo, waxay ahayd inuu yidhaahdo miyaynu u codaynaa mise kalfadhiga dambe ayaynu gaynaa, waa nin badheedhsan, waa guddoomiye xisbi golahana dhex uma aha, wixii hadda ka dambeeyana uma aqoonsanayno guddoomiye, shacabkana waanu ka raali galinaynaa wixii dhacay,” ayuu yidhi Mr Baashe.

Inkasta oo hore Xildhibaannada Wakiillada gacan hadal u dhex mari jiray, haddana shirguddoonka ayey arrintoodu u muuqatay mid cusub, maadaama fadhigu ahaa mid xaasaasi ah.