Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 8aad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika uu akhristayaashiisa kula wadaagayo qisas ka waramaya marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay:
Suldaan Nuuraddiin Sinki waxa uu doonayaa waa uu u cad yahay, oo waxa uu si fiican u garanayaa in labadan nin ee hortaagani ay yihiin kuwii uu Nebi Muxammed (SCW) manaamka ku tusay, sidaa awgeed hadallada ammaanta ah ee ay dadka reer Madiina ka sheegayeen saamayn badan kuma ay yeelan, kamana ay duwin qorshihii uu ku socday ee ahaa in uu ka gun gaadho labadan nin iyo hawsha ay wadaan ee dhibaatada ku ah Nebi Muxammed (SCW). Labadii nin inta uu u yeedhay ayaa uu ka codsaday in ay kaxeeyaan oo guriga ay deggen yihiin ay geeyaan, sidii ayaanay yeeleen, maadaama oo aanay diidi karin mar haddii gacanta lagu dhigay isla markaana dadkii reer Madiina ay si fiican u garanayeen guriga ay deggen yihiin, oo aanay guri kale tusi karin. Suldaan Nuuraddiin Sinki markii uu galay qolkii ay labadan nin deggenaayeen waxa uu bilaabay in uu baadho, nasiib wanaag cabbaar yar kadib waxa uu kor u qaaday caw dhulka ku goglanayd, waxaana kaga soo baxay arrin naxdin iyo amakaag ku noqday isaga iyo intii la socotayba, oo si fiican ugu dhamaystiray macnaha riyadii uu arkay. Waa god afkii oo markii hoos loo raacay in yar u jira in uu ku baxo qolka Caa’isha (Alle ha ka raalli ahaado) ee uu ku dhex yaallo Qabriga Nebigu (SCW).
Nuuraddiin Sinki oo aad u cadhaysan ayaa inta uu labadii nin xanuujiyey waxa uu ka dalbaday in ay runta uga sheegaan waxa ay yihiin iyo cidda soo dirtay, markaasay u qirteen in ay yihiin laba nin oo diinta Kiristaanka aaminsan, “Waxaa na soo diray hoggaamiyeyaashii Kiristanka ee dhulkayaga joogay, inta ay lacag aad u badan na sii siiyeen ayaanay nagu soo amreen in aanu soo xadno maydka Nebi Muxammed (SCW)” ayaa ay yidhaahdeen, iyaga oo ka waramaya sidii ay godkan u qodi jireen iyo halka ay ciiddiisa geyn jireenna waxa ay intaas ku sii dareen, “Habeenkii ayaanu qodi jirnay, labadayada mid kastaa waxa uu lahaa shandad maas ka samaysan oo u tolan qaabka labbiska dadka reer Maqrib, mid kastaa godka inta uu qodo, ciidda ka soo baxda shandaddiisaa ayaa uu ku ururin jiray, kadib annaga oo iska dhigayna in aanu soo siyaaranayno xabaalaha Baqiic ayaanu shandadahana sii qaadan jirnay si aanu xabaalaha dhexdooda ciidda ugu soo qubno” laakiin labadan nin waxa ay sheegeen in markii ay godka ku soo dhoweeyeen xabaasha Nebiga ay la kulmeen arrin yaab leh oo shaqadoodii hakiyey!
Onkod iyo hillaac argagax badan oo aad mooddo in uu iyaga u gol leeyahay ayaa si xidhiidh ah u dhacay, dhulkiina gariir weyn ayaa ay ka dareemeen illaa ay gaadhay heer ay kaba baqaan in ay ku soo dhaqaaqayso buur aan ka fogeyn goobtu. Waxa ay sheegeen in habeenkii uu arrkinkani dhacay ee ay hawsha hakiyeen maalinnimadiisiina uu yimi Suldaanku. Nuuraddiin Sinki oo labadii nin ay hortiisa ka qirteen dhagartan foosha xun ee ay niyeysteen, dadkii reer Madiina oo af-kala qaad ku dhacayna ay dhegeysanayaan, ayaa qiiro iyo farxad is barkan la ooyey, waxa uu ku farxay sida uu Alle (Subxaanah) ugu karaameeyey in uu qabrigii Nebi Muxammed (SCW) ka difaaco labadan dhagar qabe ee doonayey in ay maydkiisa dahiran qaataan, waxa uu la qiirooday sida ay riyadiisii u rumowday iyo taladii fiicnayd ee uu wasiirkiisa koowaad siiyey. Waxa uu ooyey oohin la aamusiin kari waayey, waxa uu ka xumaaday in isaga oo muslimiinta hoggaankooda haya in uu qabrigii nebi dayacaad dareemay. Nuuraddini Sinki waxa uu amar ku bixiyey in labadii nin la dilo, kadib waxa uu keenay shaqaale xoog badan, markaasaa inta god aad u weyn lagu wareejiyey qolka uu ku dhex yaallo qabriga Nebigu (SCW) waxaa lagu shubay naxaas aad u badan oo la dhalaaliyey. Taaso oo ka hortagaysa in cidi meel fog ka soo qodday dhulka hoostiisu ay soo gaadho qabriga Nebiga (SCW). Nuuraddiin Sinki labadaa tallaabo kuma uu joogsan ee waxa uu markiiba soo saaray amar guud oo saamaynaya intii ay dowladdiisu ka talinaysay, kaas oo dhigaya in Kiristaanka la daciifiyo, iyo in Muslimiintu aanay shaqo u diran karin ruux aan Muslim ahayn” (Tixraac: Kitaabka Wafaa’ Alwafaa bi Akhbaar Daar Al-Mustafa 2/648-650) La soco…