Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 5aad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika uu akhristayaashiisa kula wadaagayo qisas ka waramaya marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay:
3. Isku dayga dhagartii saddexaad ee fashilantay:
Waxa ay dhacday sannadkii 557 Hijriyada oo uu markaas Muslimiinta hoggaaminayey Suldaan Nuuraddiin Sinki, (Alle ha u naxariisto). Inta aynaan isku daygan ka hadal, aynu in yar ku hakanno taariikhda boqorkan Muslimiinta u talin jirtay intii u dhaxaysay 511kii illaa 569kii Hijriyada oo ku beegmaysa 1118kii illaa 1174kii Dhalashadii Ciise (CS) kadib. Magaciisa saxda ahi waa Maxamuud Bin Cimaaduddiin Sinki, laakiin dadkii xilligiisii noolaa waxa ay aad u jeclaayeen in ay ugu yeedhaan, magacyo badan oo ka turjumaya wanaaggii hoggaamintiisa iyo jacaylka ay u qabeen, waxaa ka mid ah, “Boqorkii Cadaaliga ahaa, U gargaarihii Amiirka Muuminiinta (Oo ay uga jeedaan in uu ku socday jidkii Cumar Bin Khadaab), Libaaxii Islaamka iyo Nuuraddiin Sinki (Nuurkii Islaamka) halka dad aad u badanina ay jecel yihiin in ay ku sheegaan Khaliifkii Muslimiinta ee Lixaad iyaga oo ka horreysiinaya Afartii Khaliif ee asxaabta ahaa, Abu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali (Alle ha ka raalli ahaado) iyo Khaliifkii Cumar Bin Cabdalcasiis iyo weliba kan aynu haddak a waramayno ee Nuuraddiin Sinki.
Bilowgii, Nuuraddiin Sinki oo xukunka ka dhaxlay aabihii waxa uu haysan jiray magaalada Xalab ee dalka Suuriya laakiin waxa uu ku guulaystay in uu dowladdiisii ku fidiyo deegaanno aad u ballaadhan, dhulka Shaam oo dhan iyo illaa dalka Masar, waxa aanu caan ku ahaa dagaalkii qadhaadhaa ee uu ku qaaday Mucatableydii dhulka Islaamka isu soo bahaystay, waxa aanu ka hor-istaagay dhul-ballaadhsigii iyo dagaal-diimeedkii ay wadeen, sidoo kale Sinki waxa uu xukunka ka tuuray dowladdii Faadumiyiinta oo aynu hore u soo sheegnay in ay Shiico xag-jira ahayd, dhulka Masar iyo gobolka Shaamna waxa uu dhidibbada uga taagay mad-habka Sunniga ah, dad badan ayaana aaminsan awooddii dowladdaas iyo dhulkii badnaa ee uu qabsaday Sinki in ay sabab u ahaayeen in Salaaxu-ddiin Al-Ayuubi uu gacanta ku dhigo magaalada Barakaysan ee Qudus oo hore uga baxday gacanta muslimiinta. Nuuraddiin Sinki waxaa lagu xasuustaa horumarkii weynaa ee uu xilligiisii ka sameeyey dhinacyada waxbarashada iyo casriyeynta adeegyada caafimaadka.
Sida qisadu u dhacday:
Amiirkii Muslimiinta Nuuraddiin Sinki oo sida aynu hore u soo sheegnay ahaa amiir Alle ka cabsi badan ayaa habeen habeennada ka mid ah ku riyooday Nebigii (SCW) oo inta uu farta ugu fiiqo laba nin oo cawl-cawlan ku leh, “ii gurmo, iga badbaadi labadaas..!!” La soco…