29 December: Maalin la xusuusan doono marxuum Maxamed-rashiid M. Faarax W/Q: Maxamuud Walaaleeye

0
758

Ilaahay ha u naxariistee, maanta waxay ku began tahay sannad horteed markuu marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Farax, ugu geeryooday 29 December, 2014 shil baabuur wadadda u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa.

ccccccc

Marxuumka oo da’diisu ahayd 43 jir, kuna dhashay magaalada Hargeysa, ayaa wakhtigiisii intii badnaydna geliyey horumarmarinta saxaafada Somaliland, hormood ay ku deydaana u ahaa jiilal badan oo mihnada saxaafada kula midoobay.

“Waxuu ahaa shaqsi qiimo badan, inbadan xidhiidh saaxiibtinimo ay wadaagi jireen qeybaha kala duwan ee bulsha weynta Somaliland,” ayuu u sheegay nin ay saaxiibo-dhow ahaan jireen marxuum Maxamed-rashiid, shabakada Somalilandmonitor.

Bishii May 2015, lix bilood dabadeed geeridiisa, marxuum Maxamed-rashiid oo hayey xillka xoghayaha ururka saxaafada Somaliland (SOLJA) waxa la dhagax-dhigay dhisme machad lagu barto aqoonta saxaafada oo loogu magac-daray, si afkaarahiisu u sii negaadaan.  

Sannadkii 1991, markii dib u dhiska jamhuuriyada Somaliland bilaabmay, waxuu si dhow ula shaqeyn jiray, marxuum Maxamuud Cabdi Shide, oo loo hibeeyey naanaysta aabahii iyo horseedahii warbaahinta casriga Somaliland.

Waxaan gebagebadii ilaahay uga baryeynaa inuu naxariistiisi jannada ka waraabiyo marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.