Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Shaki Ka Muujiyay In Xukuumadu Iibinayso Saldhiga Dhexe Iyo Xerada Birjeex

0
820

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay inay jiraan warar sheegaya in xukuumadu doonayso inay iibiso saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo xerada ciidamada qaranka ee Birjeex, waxaanu ku baaqay inay xukuumadu cadayso hantida ay miisaaniyada ku sheegtay inay iibin doonto.

ccc

Xildhibaan Jirde, oo shalay ka qayb galay dood uu weriye Axmed Siciid Cige oo BBC ka tirsani u qabtay xildhibaan Jirde iyo xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo ku saabsanayd miisaaniyada, ayaa wuxuu Cabdiqaadir Jirde kaga dhawaajiyay shakiga uu ka qabo in la iibinayo xerada Birjeex iyo Saldhiga dhexe ee Hargeysa “Waxaad ogtihiin hanti badan oo dawladu leedahay in la wareejiyay, 36 bilyan ayaa ku qoran [Miisaaniyada], waxa ay isweydiintu tahay oo suuqa maanta ku jirta soddon iyo lixdaas bilyan waxa ku jirta xerada birjeex in la iibin doono, waxa laga shakisanyahay saldhiga dhexe ee Hargeysa in la iibin doono.” ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde, waxaanu intaas raaciyay oo uu dawladda ugu baaqay inay cadayso hantida ay iibinayso  “Markaas dawladu ha cadayso hantida ay iibinayso  kuwa ay tahay iyo qaabka ay u marayso,  laakiin wax muhmal ah oo loo saxeexayo  oo la odhanayo hantidaas ayaan iibin doonaaye sii saxeexa, ma jirto goluhuna yeeli maayo, waa in la cadeeyaa hantidaasi inay tahay. magaalada imika waxa ku jirta Birjeex ayaa la sii faasaxay. “

Xildhibaan Jirde, oo doodiisa sii wataa wuxuu intaas ku daray oo uu soo jeediyay in la jideeyo xeerka iibinta hantida umadda islamarkaana la dhigo qandaraas lagu tartamo, waxaanu yidhi “Hantida xukuumadu hadday iibinayso xeer ayay leedahay waa in xeerkii la jideeyaa, waxaynu ognahay inaan xeer lagu wareejin  ee kolba ninkii la doono la siiyo. Anigu hantidii u horaysay ee la wareejiyay  ee India line-ka waan ka hadlay, waa in xeer la mariyaa waa in qandaraas la sameeyaa, imika dad dhabarka laga soo taabtay oo dano gaar ah laga leeyahay ayaa  la siiyaa, dadkuna wuu ku ambabaraa uun hebel ayaa la siiyay oo laga iibiyay.”