20 Hab Oo CIA Ay Uu U Ciqaabi Jiray Maxaabiista Guantanamo

0
511

Picture6Washington (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee warbixintii Aljazeera ka soo koobtay warbixinta Kongareeska Maraykanku ka soo saaray hab-ciqaabeedkii CIA u mari jirtay maxaabiista ay ku tuhmayaan in ay xidhiidh la leeyihiin waxa ay ugu yeedhaan Argagaxisada; warbixintan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu soo bandhigay 20 ka mid ah ciqaabahaas iyo dhibaatooyinka jidheed ee ay u geysteen maxaabiista ku xidhnaa xabsiyo kala duwan oo qaarkood qarsoodi yihiin, kuna dhex yaallaan Maraykanka gudihiisa iyo kuwo dibaddiisa ah oo uu ku jiro Guantanamo Bay oo ku yaalla gacanka Cuba.

Xad-gudubyo Jinsi ah:

Warbixintan waxaa lagu sheegay in, masuul ka tirsanaa sirdoonka Maraykanka ee CIA uu maxaabiista loo haysto eedaha la xidhiidha argagaxisada ee uu waraysanayo ugu hanjabi jiray in uu dhib u geysan doono dadkooda. Xataa waxaa dhacday in sarkaalkani uu mar mid ka mid ah maxaabiista ugu hanjabay in haddii sida uu doonayo aanu yeelin uu kufsan doono hooyadii (Maxbuuska hooyadii) iyo mar kale oo uu ku hanjaabay in uu hooyadii gawraci doono.

Nabarrada maxbuuska ku yaalla oo la damqo lana sii fogeeyo:

Warbixintan oo ka kooban 6000 oo bog balse la baahiyey boqolkiiba toban keliya oo ah Lix boqol oo bog oo weliba meelaha xasaasiga ah qalin la mariyey si aanay dadweynuhu u arkin, waxa kale oo lagu xusay in masuuliyiin sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanak ee CIA iyaga oo iska dhego marinaya shuruucda iyo hannaanka ay wasaaradda garsoorka Maraykanku arrimahan oo kale u hagto, in ay sii wadeen in maxaabiista ay u waraystaan qaabkaas arxan darrada ah ee qallafsan, iyada oo ay weliba mararka qaarkood jirtay in xaaladda caafimaad ee maxbuusku aanay arrintaas qaadi karayn.

Tusaale ahaan waxaa jiray in wasaaradda garsoorku ay ku talisay, in Abu Zubaydah inta aan waraysiga baadhista ah lagu samayn laga horreysiiyo daryeel caafimaad oo uu aad ugu baahnaa, laakiin taas saraakiisha CIA dheg uma’ ay dhigin, waxa aanay sababtay in xaaladdiisa caafimaad ay ka sii darto, kadib markii uu sii xumaaday dhaawac rasaas ah oo soo gaadhay markii la qabanayey.

Ugu yaraan laba maxbuus oo kale ayaa iyaguna la kulmay hab-dhaqankan qallafsan oo kale, iyada oo aanay baadhayaasha CIA dheg u dhigin digniino caafimaad oo marar badan loogu sheegay in hannaankaas ciqaabeed ee ay ku wadaan uu keenayo in dhaawacyada jidhka ee maxaabiistan ku yaallaa ay ka sii daraan.

Bahdilaad:

Warbixintani waxa ay xustay in ay saraakiisha CIA maxaabiistan u isticmaali jireen habab ciqaabeed oo ay ka mid tahay in iyaga oo qaawan ay socdaan, tagaanna xarumaha waraysiga, mararka qaarkood maxbuuska iyada oo la jiidayo dhulka ayaa laga soo saari jiray qolka uu ku xidhan yahay. Marar kale inta ay askartu si badheedh ah oo qallafsan maxbuuska ugu dul jarjarto dharka uu xidhan yahay, ayaa isaga oo qaawan oo la garaacayo, ay dhulka jiidi jireen, iyaga oo dhex marinaya wadiiqooyinka u dhexeeya qafisyada ay maxaabiistu ku xidhan yihiin si ay ugu wax qaataan kuwa kale oo arkayaa. Marar badanna si kibir ah ayaa ay askartu laad iyo dhirbaaxooyin ugu miisaan maxaabiista.

Hababka kale ee ay baadhayaasha CIA u bahdilaan maxaabiista ay u qabteen arrimaha la xidhiidhay argagaxisada waxaa ka mid ahaa in ay maxbuuska lagu qasbo in uu xafaayad xidho, kadibna waqtiyo badan laga hor istaago in uu tago suuliga, si uu xafaayaddaas ugu xaajo dhamaysto, taas oo ah hab lagu dullaynayo maxbuuska, lana tusayo in aanu lahayn sharaftii iyo ixtiraamkii bani’aadamnimo ee uu mudnaa.

Diiqad iyo niyad jab:

Habab-ciqaabeedka arxan darrada ah ee ay saraakiisha qallafsan ee ah baadhayaasha CIA marin jireen maxaabiista ay ku hayaan Guantanamo Bay iyo xabsiyada kale ee ay dunida ku leeyihiin waxaa ka mid ah, in maxbuuska lagu abuuro xaalad nafsi ah oo diiqad iyo niyad jab ku reebta, gaar ahaan marka waraysiga lala yeelanayo. Warbixintu waxa ay tusaale u soo qaadatay mar mid ka mid ah baadhayaasha CIA uu mafiiq saaray qoorta mabxuus lagu magacaabo Zubayr oo markaas isagu jilbo joog u fadhiyey, lana waraysanayey.

 Cunto siin qasab ah:

Maxaabiis badan ayaa markii ay u adkaysan kari waayeen ciqaabta bani’aadamnimada ka baxsan ee ay kula kacaan saraakiisha baadhista ee CIA, waxa ay isku dayeen habab ay filayeen in ciqaabtaas ay ka furan doonto. Maxaabiistan oo sida muuqata aan weli liqin sida arxan darrada ah ee loola dhaqmaya, aaminsanaana in cid uun aan ahayn kuwa gacanta ku hayaa ay ogaan doonto xaalkooda, lagana yaabo in ay ka caawiso sidii looga deyn lahaa ciqaabtaas, wax yaabaha ay sameeyeen waxaa ka mid ahaa in ay cuntada ka soomaan, oo ay muddo cunto la’aan ku adkaystan, taas oo dabcan ah hab kale oo uu maxbuusku ku raadsan karo geeri, maadaama oo uu quus ka taagan yahay in noloshu u sii socon karto hab-nololeedka ciqaabta ah ee uu ku jiro.

Nasib darro maxaabiistani waxa aynu odhan karnaa waa ay eedeen isku daygan ay doonayeen in ay ku helaan calool dabac iyo in xaaladdooda hoos loo eego, waxa aanay saraakiisha CIA du kula kaceen habab sidii hore kaba sii arxan daran oo ay ku qasbayaan in ay cuntada sandulle ku qaataan. La soco…