Maalin ay bisha barakaysan ee Ramadaan 18 ahayd oo ahayd sannadkii 21-naad ee Hijriyada waxaa geeriyooday mid ka mid ah geesiyadii taariikhda halyeeynimo Islaamka ku lahaa, oo ah asxaabigii Khaalid Bin Waliid, laguna naanaysi jiray, Seeftii Alle ee galka laga saaray, ‘Sayfullaahi Al-Masluul’
Khaalid Bin Waliid Bin Muqiirata waxa ay abtirsiintiisu ku aroortaa Kacab Bin Lu’ay oo ah awoowga Toddobaad ee Nebi Muxammed (SCW) iyo asxaabigii weynaa ee Abu Bakar As-Siddiiq. Hooyadiina waa Lubaabah Bintu Al-Xaaris, oo ay walaalo ahaayeen hooyadii muuminiinta, (Xaaskii Nebig SCW) Maymuunah Bintu Xaaris (Alle ha ka raalli ahaado).
Khaalid Binu Waliid isaga oo da’ yar ayaa uu ku tababartay fardo-fuulka, da’diisa oo dhanna waa kaga xariifsanaa, sida oo kale waxa uu ku caan baxay geesinimo iyo xeelado dagaal oo cid keenta oo kale aanay jirin, tusaale ahaan waxaa lagu tilmaami jiray nin marka uu dagaalka ku jiro aanu cadowgiisu kala garan karin marka uu firdado iyo haddana marka uu soo rogaal celiyo.
Musliminimada ka hor Khaalid colaad aad u daran ayaa uu u hayey Islaamka iyo muslimiinta, waxa aanu safka hore kaga jiray dhammaan dagaalladii ay muslimiinta iyo gaaladu galeen intii aanu muslimin. Waxa uu kaalin muuqata ku lahaa guushii ay gaaladuu dagaalkii Uxud ku jebisay Muslimiinta oo sida la xasuusto xitaa Nebi Muxamed (SCW) dhaawac soo gaadhay.
Khaalid Bin Waliid waxa uu muslimay sannadkii 8 ee Hijriyada, waxa ay ku beegnayd Lix bilood uun ka hor furashadii ay muslimiintu qabsadeen Makah, in kasta oo ay jirto taariikh kale oo iyaduna sheegaysa in uu muslimay laba bilood ka hor dagaalkii Muutah.
Dagaalkii ugu horreeyey ee uu Khaalid Muslimiinta la’ saftay waxa uu ahaa dagaalkii Mu’tah oo uu ciidanka hoggaaminayey Sayid Bin Xaaris, dardaaranka Nebiguna ahaa, haddii Sayid la dilo in uu hoggaanka ciidanka la wareego Jacfar, haddii isaga la dilana uu la wareego Cabdillaahi Binu Rawaaxah. Dagaalkii markii ay ciidankii muslimiintu tageen, waxaa dhacday in la dilay saddexdii hoggaan ee uu Nebigu (SCW) sii magacaabay, ciidankii oo ayaa talo degdeg ah oo ay isugu yimaaddeen isla qaatay in ay taliye ka dhigtaan Khaalid Bin Waliid, sidii ayaanu dagaalkaas ku hoggaamiyey, isaga oo ammaan ku helay xeeladdii dagaal ee si uu ciidanka muslimiinta oo laga gacan sarreeyey u badbaadiyo dib ugu soo saaray iyada oo aanu khasaare laxaad leh gaadhin.
Dagaalkii Xunayn ayaa uu sida oo kale Khaalid safka hore kaga jiray ciidanka muslimiinta, waa aanu ku dhaawacmay dagaalkaas, waxa aana dhaawaciisa booqasho ugu yimid Nebiga (SCW).
Geeridii Nebiga (SCW) kadib Khaalid waa uu sii waday ka qaybqaadashada iyo hoggaaminta jihaadka, waxa anau kaalin muuqata ku lahaa dagaalkii lagu qaaday qolyihii geerida Nebiga (SCW) kadib sakada diiday ee Islaamka dib uga noqday xilligii uu muslimiinta hoggaaminayey Abu Bakar As-Siddiiq, iyo dagaalkii lagu qaaday beenaalayaashii Nebinimada sheegtay Muxammed (SCW) dabadii, waxa uu callanka u siday ciidankii muslimiinta ee qabsaday Ciraaq iyo dhulka Shaam.
Taariikhda Khaalid waxaa lagu soo koobaa, ‘In noloshiisa oo dhami ay Jihaad ahayd’ Khaalid hoggaamintii iyo ka qaybgalkii Jihaadka ee uu musliminnimada ku bilaabay isaga oo weli ku jira ayaa uu bukooday bukaankii geerida.
Maalmihii uu xanuunsanayey waxaa aad loogu xasuustaa oohin badan oo joogto uu furaashka uga dul ooyi jiray, isaga oo ku calaacalaya, “Waxa aan ka qaybgalay dagaalkaas, iyo dagaalkaas…” Inta uu tiriyo dagaalladii qadhaadhaa ee uu ciidanka muslimiinta kala qaybqaatay. Khaalid isaga oo ka xun in aanu ku dhiman dagaalladaas jihaadka ahaa, oo uu is arko in uu haatan si caadiya u dhimanayo waxa uu ku calaacali jiray maalmahan noloshiisa u dambeeyey, “Jidhkayga kuma taallo meel taaggo le’eg oo ka badqabta seef, mindi, waran, leeb ama tuuryo kale, laakiin maanta waa anigaa furaashkaygii isaga dul bakhtiyaya sida awrka.. Waxba yaanu fulaygu seexan” Isaga oo u jeeda in dhimashadu ay ka duwan tahay dagaal gelista, sidaa awgeed fulaygu aanay ahaynba in uu baqo, maadaama oo haddii dagaal badni awgeed lagu dhimanayo uu isaguba ku dhiman lahaa