Hooyonimadu waxa ay beddeshaa hab nololeedka gabadha. Tusaale ahaan hurdada, jadwalka hawlaha ee ay gabadhu hore ugu soo socotay iyo guud ahaan nolosheeda oo dhan ayaa isla beddela dhalashada ilmaha koowaad.
Gabadhu in ay hooyo noqotaa waxa ay u furtaa albaab cusub oo nolosha ay ka aragto iyo faham hor leh. Maqaal ay Aljazeera ka soo xigatay wargeyska Amandu ee Talyaaniga ka soo baxa ayaa qoraaga Claudia Lamy ay ku eegaysaa isbedellada yaabka leh ee gabadha ku dhaca marka ay hooyo noqoto.
- Hooyonimada waxaa la kowsada hurdo la’aan iyo hooyada oo xitaa marka ay gama’santahay haddana u muuqata in aanay maskaxdeedu hoos ugu daadagayn hurdada si aanay uga seexan daryeelka ilmaheeda.
- Hooyonimadu waxa ay gabadha bartaa cabsida iyo cabsi la’aanta labadaba. Waxa ay fahamtaa macnaha runta ah ee cabsida. Waxaa gabadha u bilowda dareen cabsiyeed ay ka qabto waxa dhacaya ama dhici kara ilmaheda. Haddana waxa ay ka yaraysaa cabsida, oo hooyonimadu waxa ay ula bilaabataa dareen ah in aanay ka baqan waxyaabo yaryar oo ay hore uga baqan jirtay.
- Haddii hooyadu ay xanuunka ka baqan jiray , hooyonimada waxaa u bilowda in nafteeda aanay u biqin, balse ay ilmaheeda u baqdo.
- 4. Gabadhu marka ay ilmaha koowaad dhashaba waxaa ku bilowda jacayl aan xaddi lahayn oo ay ilmaha u qabto. Xitaa waxa ay gaadhaa in ay qawaddo waqtiga ay la qaadanayso ilmaheeda. Sidaas awgeed waxaa dhacda in ay hurdada goor hore ka toosto si ay u hesho waqti badan oo ay ilmaheeda la qaadato.
- Hooyanimadu waxa ay gabadha dib ugu celisaa noloshii carruurnimo, waxa ay isku daydaa in ay samayo wax kasta oo ilmaheeda u fiican ama maaweelinaya. Sidaas awgeed waxaa la arkaa iyada oo u hadlaysa ama ilmaha u maaweelinaysa hab qofka aan hooyanimada soo marin macno darro ula eeg.
- Hooyonimadu waxa ay xoojisaa xusuusta gabadha. Waxaa la aaminsan yahay isbedelada hormoon iyo habdhaqan ee gabadhu marka ay ubad dhasho in ay xoojiyaan xusuusta hooyada, oo ay maskaxdu dib u soo celiso dhammaan waxyaabihii soo maray ee ay illowday.
- Lacag jacaylkii dhammaa: haddii aad ogeyd haweenka oo lahashadooda koowaad lacag ahayd. Taasi waa inta aanay ubad dhalin oo keliya. Haddiise ay hooyo noqoto, waxa keliya ee ay adduunka ka ilaashato, jacaylkeeda koowaadna ahi waa ilmaheeda. Warwarka keliya ee ay qabtaa waa barbaarinta iyo daryeelka ilmahaas iyo sidii ay berridiisa u qurxin lahayd.
- Haweenka waxaa lagu yaqaannaa jacayl ay u qaabaan wax iibsiga iyo dukaamaysiga. Laakiin marka ay hooyo noqoto ayaa ugu dambaysa lacag jacayl. Waxaa u bilowda jacayl ay u qabto ilamaheeda. Marka ay lacagi soo gasho waxa ugu horreeya ee maskaxdeeda ku soo dhacaa waxa uu noqdaa sidii ay ilmaheeda ugu iibin lahayd wax uu xiisaynayo; dhar, kabo qalabka lagu ciyaaro iyo wixii la mid ah.
- Haween xaflado iyo munaasabado lagu soo jeedaa waa meheraddooda koowaad. Waa se inta ay gashaantida tahay ama aanay ubad dhalin. Haddii ay ilmaha koowaadba dhasho gabadhu ma danayso xafladihii ay xiisayn jirtay tegistooda. Haddii gabadhu xorriyad iyo firaaqo jeclaan jirtay. Maalinta ay hooyo noqoto waxaa ku beerma dareen ah in xorriyad socod iyo caways ama xaflado ka qaybgalku aanay ahayn arrimo muhiim ah in la iska daayaana ay fiican tahay.
- Haddii aamusnaan lagu yaqaannay ama aanay buuqa ka heli jirin, iyo haddii ay ahayd ilbax jecel in codka hoos loo dhigo. Maalinta ay ilmo dhasho ayaa ay kala tagaan aamus. Oohinta ilmaha ee caafimaad qabka iyo xanuunkaba ku imanaysa, iyo dhawaaqyadiisa joogtada ah ayaa ay sida muusiga ugu raaxaysataa iyada oo aanu mar keliya wax dhibaato ah dareensiinayn.
- Wax kasta oo kale oo ay gabadhu jeceshay ama heliddoodak u hammidaa waxa uu ku eegyahay inta ay ilmaha koowaa dhalayso. Waxaa la ogaaday maalinta ay hooyo noqoto gabadhu in ilmaheedu uu noqonayo waxa ugu muhiimsan ee ay jeceshay.